Madaxweyne Xasan Sheikh :-Al-shabaab Waxaa mar waliba lagu dilaa Howlgalo''Dhageyso''

0
Tuesday July 05, 2016 - 13:29:37 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheikh :-Al-shabaab Waxaa mar waliba lagu dilaa Howlgalo''Dhageyso''

    Madaxweynaha Jamuuriyada fadareelka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir Jaraa'id Warbaahinta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa waxa uu ka hadlay wixii u qab soomay dowladiisa inta uu xilka haayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamuuriyada fadareelka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir Jaraa'id Warbaahinta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa waxa uu ka hadlay wixii u qab soomay dowladiisa inta uu xilka haayo.

 Madaxweynaha oo ka hadlay arimo badan ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay ku guuleysay in ay dagaal la gasho Al-shabaab iyagoo kaashanaya Ciidamada Midowga Afrika iyo dowladdaha deriska la ah Somaaliya ay dileen hoggaamiyaal fara abdan oo ka tirsan kuwa Al-shabaab

Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa guul ku timaamay dagaaladii ciidamada maamul goboleedyada ka jira dalka ee la galeen Argagexesada Al-shabaab  Maxaabiis fara badan neh kaga qabsadeen dagaalka

Shacabka ayuu Madaxweynaha ka dalbaday in ee la shaqeyaan hay Adaha Amaanka si loo helo nabad iyo xasilooni

Madaxweynaha Jamuuriyada fadareelka Soomaaliya ayaa waxa uu baaq u diray Horjogayaasha ka tirsan al-shabaab ee qaldaya dhalinta Soomaaliyeed isagoona ugu baaqay in ee ka laabtaan fikir kaasi qaldan

Sidoo kale Madaxweynaha Somaaliya ayaa waxa uu sheegay in inta waqtiga uga harsan ay wadaan isku dhafka ciidamada qalabka sida si loo helo ciidan tayeysan hada uu qorshohoodu yahay in ay sameeyaan isku dhafkaas,wuxuu shaaciyay in tayeenta ciidamada ay horseedi karto in amniga lagala wareego ciidamada Amisom ee xiligaan jooga Somaaliya.

 

Ciidanka ammaanka Dowladda Kenya ayaa heegan buuxa la geliyaya ka dib markii ilaha Sirdoonka dalka Kenya ay sheegeen in dalka Kenya ay ku soo wajahan yihiin weeraro culus oo ay Al-Shabaab ka geystaan dalkaasi.

Degmooyin badan oo ka tirsan dalka Kenya ayaa lagu amray ciidanka ammaanka in ay adkeeyaan amniga ,islamarkaana ay baaraan dadka soo galaya iyo sidoo kale kuwa ka baxaaya.

Meelaha ugu badan oo ciidanka dowladda Kenya heeganka la geliyay ayaa waxaa ka mid ah Jasiirada Lamu ee dalka Kenya ,halkaas oo ay saakay ciidanka kenya ay ka wadaan howlgal balaaran.

Taliyaha Lamu   Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay in ciidanka ammaanku ay wadaan howlgal ay ku baadigoobayaan dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo lagu tuhmaayo gudaha Lamu.

" Waxaan na soo gaaray warbixin sheegaysa in ay Shabaab qorshaynaayeen in ay weerar ka geystaan Lamu Marka ciidanka heegan ayaa la geliyay si layska difaaco weeraradaasi ay soo sheegeen ilaaha Sirdoonka dalkeenaā€¯ sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka Jasiirada Lamu Cabdulaahi Aadan

Al Shabaab ayaa Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxa ay dhowr mar ka geysteen weeraro ay ku laayeen dad badan oo Kenyan ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip