CXDS oo la wareegay deegaano hoos yimaada gobolka Baay

0
Monday July 04, 2016 - 13:58:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CXDS oo la wareegay deegaano hoos yimaada gobolka Baay

    Ciidanka XDS Iyo kuwa booliiska gaarka ah ee dowladda goboleedka koofur galbeed Soomaaliya ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo ka wada tirsan gobolka Baay kadib markii ciidamada wadajir ka ah sameeyeen howlgal ka dhanka maleeshiyaadka Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka XDS Iyo kuwa booliiska gaarka ah ee dowladda goboleedka koofur galbeed Soomaaliya ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo ka wada tirsan gobolka Baay kadib markii ciidamada wadajir ka ah sameeyeen howlgal ka dhanka maleeshiyaadka Al-shabaab.

Deegaanada ay ciidamada la wareegeen ayaa waxaa kamid ah Balaw, Keerow  Malaaq iyo kuwo kale oo ahaa meelaha Al-shabaab ay ku dhibaateynayeen dadka shacabka ah.

Howlgalka lagu qaaday deegaanadan ayaa waxaa ay ka dambeysay markii guddiga nabadgeliyadda gobolada koofur galbeed ay shir ay wada yeesheen isla markaana go’aamiyeen in howlgal lagu qaado goobahaas.

Xubno ka tirsan guddigaas iyo saraakiisha ciidamada ayaa horkacayay howlgal ay ciidanka kula wareegeen deegaanadan.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada laga saaraya Al-shabaab ayaa wajigooda laga dheehanayay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay dhibaatada kooxdaas laga dulqaado.

Wariyaha warbaahinta qaranka ee gobolka Baay Siraaji Sheekh Isxaaq, oo howlgalka la socdaya ayaa soo sheegaya in howlgalka lagu soo gabagebeeyay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo dhowaan laga la wareegay Al-shabaab.

Dadka deegaankaas ayaa waxaa la hadlay qaar kamid ah xildhibaanada ka tirsan maamulka koofur galbeed oo deegaanada Al-shabab laga saaray soo kormeerey.

Xubnaha guddiga nabadgeliyada koofur galbeed oo xero ciidanka ay leeyihiin oo ku taala duleedka Goof-gaduud ayaa waxaa ay si aad ah u amaaneen howsha adag oo ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada koofur galbeed Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip