Ciidammada Soomaaliya ayaa hawlgaladan ay fulinayaan waxay ka talo geliyeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee degaannadaasi, iyagoo ka wadahadley dhibaatooyinka ay kooxda argagixisada ku hayaan shacabka iyo guushii dhowaan ay soo hoyeen ciidammada, markii ay dileen Maxamed Dulyadeyn iyo Macallim Daa’uud oo ka mid ah ahaa horjoogeyaasha kooxda argagixisada.
Ciidammada Soomaaliya iyo odayaasha ayaa isla gartey in bulshada ay si buuxda ula shaqeyso laamaha amniga, ayna soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan falal argagixisonimo iyo haddii ay jiraan horjoogeyaal kooxda argagixisada ka tirsan oo goobahaasi ku dhuumanaya.
Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa taageerada shacabka ayaa dhowr goobood oo degaannadaasi ka mid ah tegey, iyagoo aan wax khasaare ah soo gaarinna dib ugu soo laabtey fariisimadooda, walow warar been abuur ah oo ay faafiyeen argagixisada Al Shabaab ay ku sheegeen inay weerareen kolonyo ka tirsan ciidanka qaranka.
————————
Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in dhawaan ee qaadeyso Howlgal looga sifeynayo Al-shabaab qeybo ka mid ah Dalka
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa ciidammada dalalka ay saaxiibada yihiin waxay dhowaan go'aansatey in la dedejiyo hawlgallada kooxda Al Shabaab looga saarayo gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ka tirsan Dowlad Goboleedka J