Dhageyso:Gaari lagu Xasuuqi rabay Dadka Shacabka oo Ciidamada Amaanka Soomaaliya Gacanta ku dhigeen

0
Sunday July 03, 2016 - 08:33:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Gaari lagu Xasuuqi rabay Dadka Shacabka oo Ciidamada Amaanka Soomaaliya Gacanta ku dhigeen

    Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxay fashiliyeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ka dib hawlgal qorshaysan oo ay ka sameeyen xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxay fashiliyeen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ka dib hawlgal qorshaysan oo ay ka sameeyen xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Nabad Suggida, ayaa hawlgalkan ka sameeyay xaafadaasi, ka dib markii ay macluumaad ka helayn bulshada ku dhaqan Sey Biyaano.

Sidoo kale Ciidamada Nabad Suggida, ayaa hawlgalkan ku soo qabtay laba qori oo AK47, gantaalka garabka laga tuuro iyo laba xabo oo gumaca qoriga baasuukaha, balse lama sheegin dad loo soo qab qabtay falkaasi.

Afahyeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane  oo la hadlay warbaahinta Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Gaarigaan laga soo qabtay Garaash ku yaala Xaafada Sey Biyaano ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Saraakiisha Nabad Suggida, ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen gaarigan, taasina ay keentay inay ka hortaggan in weerar looga gaysto Caasimadda.

Ciidamada Miino Baarista, ayaa kala fur furay qaraxii la soo saaray gaarigan oo noociisu ahaa NOAH.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip