Suuqa Xoolaha oo lagu soo Qabtay Horjogayaal ka tirsan Al-shabaab

0
Sunday June 19, 2016 - 12:45:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuqa Xoolaha oo lagu soo Qabtay Horjogayaal ka tirsan Al-shabaab

    Ciidamada Ammaanka ayaa xalay howlgal gaar ah ka sameeyay xaafadda Suuqa xoolaha, halkaasoo ay ka soo qabteen horjoogayaal ka tirsanaa Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ammaanka ayaa xalay howlgal gaar ah ka sameeyay xaafadda Suuqa xoolaha, halkaasoo ay ka soo qabteen horjoogayaal ka tirsanaa Shabaab.

 

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shugri ayaa sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay kaddib laamaha ammaanka ay hayeen xogta rag bartilmaameed ahaa, isagoo xusay in markii dambe u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo.

 

Wuxuu intaasi ku daray in xalay ciidamada ammaanka ka hor-tageen mooto Bajaaj lagu soo raray waxyaabaha qarxa, taasoo intii ay ceyrsanayeen Ciidamada ay ku qaraxday agagaarka Xero Jarmal ee waddada Warshadaha.

 

Waxaa uu sheegay in qarax ka dhashay mooto bajaajta uu ku dhintay wadihii mootada, isla markaana khasaaraha uu ahaa mid koobnaa wadihii isqarxiyay.

Ciidmada ammaanka ayaa u muuqda in ay krdhiyeen howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda dalka ee Muqdisho inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip