Al-Shabaab oo Caawa laga Saaray deegaan hoos yimaada Gobolka GalGaduud

0
Saturday June 18, 2016 - 20:05:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Caawa laga Saaray deegaan hoos yimaada Gobolka GalGaduud

    Weerar ku Bilaabmay Qaraxyo xoogan iyo Rasaas culus ayaa goordhow laga maqlay Duleedka Deegaanka Ceelgaras Ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar ku Bilaabmay Qaraxyo xoogan iyo Rasaas culus ayaa goordhow laga maqlay Duleedka Deegaanka Ceelgaras Ee Gobolka Galgaduud Bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dambeyay ka dib markii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee wareerar Xoogan ku qaadeen Deegaanka Ceelgaras Ee Gobolka Galgaduud oo ay ku xoogan yihiin Al-shabaab

Dadka Deegaanka Ceelgaras ayaa soo sheegaya in ay  Caawa Maqlayaan Daryinka Madaafic, Rasaas & Qaraxyada halkaas oo la soo sheegayo in ay ku dagaalamayaaan Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Kuwa Amisom ayaa gudaha ugalay Deegaanka Ceelgaras Ee Gobolka Galgaduud iyagoona halkaasi qasaaro ugu gaarsiiyay Maleyshiyaadkii Al-shabaab

Korneel Maxamed Axmed Tareedisho Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay warbaahinta Ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa sheegay in hada Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Gudaha ugaleen Deegaanka Ceelgaras Ee Gobolka Galgaduud

Korneel Tareedisho ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku dileen ku dhawaad 20 Al-shabaab halka uu dhaawaca intaasi ka badan karo

  Deegaanka Ceelgaras waxaa ku xooganaa Maleyshiyada Al-shabaab iyadoona inta badan Dadka degaankaasi ku dhibanayeen Cadowga Al-shabaab

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip