Al-Shabaabkii weeraray Degaanada Maamulka Puntland oo Dil Toogasho ah lagu Xukumay

0
Saturday June 18, 2016 - 16:32:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaabkii weeraray Degaanada Maamulka Puntland oo Dil Toogasho ah lagu Xukumay

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dil toogasho ku xukuntay 43 ruux ka mid ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaano ka tirsan Nugaal iyo Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dil toogasho ku xukuntay 43 ruux ka mid ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaano ka tirsan Nugaal iyo Mudug.

Tirada 43 ruux ayay Maxkamaddu sheegtay inay ahaayeen dadka waa weyn ee ku jiray maxaabiistii ay dagaalka ku qabteen, iyadoo labo ruux oo da’dooda ahaa 16-jir dib loo celiyay.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Puntland C/llaahi Xirsi Cilmi oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in xukunka dilka ee lagu xukumay maxaabiistan loo xuskaday sharciga la dagaalanka Argagixisada ee Puntland.

"Nimankan waxay qirteen inay Shabaab yihiin, oo xeebaha doonto ka soo raaceen oo Al-Shabaab yihiin, dad bey dileen, dad bey barakiciyeen, sharciga la dagaalanka Argagixisada ee Puntland ayaa loo cuskaday waana dil toogasho”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Puntland.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in xukunkan uu yahay mid horu dhac ah, isla markaana ay haatan heystaan racfaan muddo bil ah, isagoo xusay in go’aanka ugu dambeeya ay leedahay dowladda Puntland, marka ay maraan Maxkamada labaad iyo tan saddexaad sida uu yiri

Mar la weydiiyay tirada maxaabiistii ay ku qabteen dagaaladii bishii Maarso ayuu sheegay inay ahaayeen 97 ruux, isagoo xusay in 54 ka mid ah dib loo celiyay, maadaama aysan qaan-gaar aheyn, waxaana uu intaa ku daray in la geeyay goobo lagu dhaqan celiyo.

 

Ugu dambeyn xukunkan oo dhacay khamiistii ayaa noqonaya tiradii ugu badneyd hal mar Maxkamadda Puntland ay dil toogasho ah ku xukuntay, iyadoo sanadkii 2013 ay aheyd markii illaa 12 ruux oo haween ku jirtay Maxkamadda dil toogasho ah ku xukuntay, kuna riday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip