Xaafada Suuqa Xoolaha oo Laga soo qabtay Rag ka Tirsan Al-shabaab

0
Saturday June 18, 2016 - 14:02:42 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaafada Suuqa Xoolaha oo Laga soo qabtay Rag ka Tirsan Al-shabaab

    Howlgalkan oo siwadajir ah u fulinayeen Ciidanka Hay'aada Nabadsugidda iyo Sirdiinka Qaranka,ciidanka Boliska iyo Asluubta Somaaliyeed iyo Ciidanka Boliska AMISOM ayay Ciidamadu ka sameeyeen Xaafada Suuqa Xoolaha qeybta katirsan Degmada Yaaqshii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkan oo siwadajir ah u fulinayeen Ciidanka Hay'aada Nabadsugidda iyo Sirdiinka Qaranka,ciidanka Boliska iyo Asluubta Somaaliyeed iyo Ciidanka Boliska AMISOM ayay Ciidamadu ka sameeyeen Xaafada Suuqa Xoolaha qeybta katirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxayna Ciidamadu guri guri u baarayeen guryaha ku yaala Xaafadaasi.

Bartilmamaeedka howlgalka ayaa ahaa in Ciidamadu gacanta kusoo dhigaan Maleeshiyaad katirsan Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay xaafadda Suuqa xoolaha.

intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamadu waxa ay soo qa qabteen ilaa 100-qof oo looga shakisanaa inay katirsan yihiin Maleeshiyaadka Argagaxisada ah ee Al-Shabaab inkastoo markii baaritaan lagu smaeeyay dadkaasi intooda badan lasii daayay marka laga reebo 5-qof oo ciidanka ay aqoonsadeen inay katirsan yihiin Argagaxisada Al-Shbaab.

 Howlgalkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa kusimaha Taliyaha Hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Sareeya Gaaz C/laahi Gaafow Maxamuud oo ay wehlinayeen Taliyaha Nabadsugidda qeybta guud ee Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale oo katirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Hay’adaha Amniga Dowladda Somaaliya oo kaashanaya Boliska AMISOM ayaa kordhiyay howlagalada dhinaca Amniga ah ee ay ka sameynayaan Muqdisho si ay uga hortagaan Weerarada iyo dilalka looga bartay maleeshiyaadka Argagaxisada ah Al-Shabaab inay ku dhibaateeyaan shacabka Somaaliyeed inta lagu duda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip