10 Al-shabaab ah oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Degaan Hoos yimaada Degmada Baraawe

0
Friday June 17, 2016 - 21:54:37 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Al-shabaab ah oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Degaan Hoos yimaada Degmada Baraawe

    Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa jidka u galay ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka Soomaaliya kuwaasi oo marayay inta u dhaxeeya degmada Baraawe iyo Tuulada Maryan Gubaay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa jidka u galay ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka Soomaaliya kuwaasi oo marayay inta u dhaxeeya degmada Baraawe iyo Tuulada Maryan Gubaay.

Waxaana Halkaasi ka bilaabday Dagaal kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Maleyshiya Al-shabaab

Maleyshiyaadkii Al-shabaab ee isku dayay in ay wada u galaan Ciidamada Dowlada ayaa waxaa halkaasi kala kulmeen Qasaaro iskugu jira Dhimasho iyo dhaawac

Sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in ee Maleyshiyada Al-shabaab ka dileen ku dhawaad 10 halka dhaawaca uu ku sheegay shan Maleyshiyaad ah oo ka tirsan Al-shabaab.

‘’’Maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa isku dayay in ee wada u galaan Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka soomaaliya waxaana halkasi ka bilaabday Dagaal kooban qasaaro lagu gaarsiiyay Al-shabaab waxaan ka dilnay 10 waxaana ka dhawacney 5 ka mid ah ‘’’’

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa caado ka dhigtay inay gaystaan weeraro kuwaas oo ay ku dhibaataynayaan Bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dhanka kalana ciidanka amaanka ay sameeyeen diyaar garow ku aadan ka hortaga jkooxdaan.

 



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip