Cilmi-baadhis La Sameeyay Ayaa Lagu Ogaaday Dhibaatada Baraha Bulshada Ay Ku Yeelan Karto Nolosha Da' Yarta.

0
Tuesday June 14, 2016 - 19:26:39 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Cilmi-baadhis La Sameeyay Ayaa Lagu Ogaaday Dhibaatada Baraha Bulshada Ay Ku Yeelan Karto Nolosha Da' Yarta.

    Dhallinyarada aadka ula qabsada isticmaalka baraha internekta ee bulshadu ku wada xidhiidho (social media), ayaa la ogaaday in ay cabsi badan noloshooda la soo daristo, kalinimo waqtiga ku qataan, qolkooda hurdadana hoota ka soo xidhaan sida ay sheeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhallinyarada aadka ula qabsada isticmaalka baraha internekta ee bulshadu ku wada xidhiidho (social media), ayaa la ogaaday in ay cabsi badan noloshooda la soo daristo, kalinimo waqtiga ku qataan, qolkooda hurdadana hoota ka soo xidhaan sida ay sheegeen khubaro cilmi-baadhis ka samaysay arrintan.

Khubaradu waxa ay ku doodeen in ay ogaadeen in da’ yartaas aadka ugu xidhan baraha bulshada sida Facebook, twitter, whatsapp iyo meelaha kale ee dadku ku wada xidhiidhaan ay xataa ka baqaan in ay albaabka gurigooda furan.

Dadka cilmi-baadhista lagu baadhay qaar ka mid ah oo haween u badan ayaa lagu arkay calaamado cajiib ah, kuwaasoo cabsi ka qaada in ay ka jawabaan telefoonka amma ay furan ablaabka gurigooda, taasina ay muujisay in xannuuno xagga maskaxda ah ku soo fool leeyihiin oo khatar ku noqon kara noloshooda dambe.

Daraasadan oo ay samaysay Xarun la yidhaa National Citizen Service Trust waxa xog-ururin lagaga qaaday 1,00012 (Milyan iyo laba iyo toban qof) oo 17 jir u badan, waxaana ka soo baxday in lix ka mid ah tobbankii qof ay kalinimo waqtigooda ku qataan, halka hal ka mid ah labaatankiina ay sheegeen in aanay waligood waqti la qaadan asaxaabtooda ay isku dugsiga dhigtaan.

Hablaha ayaa ka kalinimo batay ragga, balse 30% ka mid ah dadka cilmi-baadhista laga qaaday ayaa sheegay in ay caan ka dhex yihiin baraha bulshada sida lagu ogaaday cilmi-baadhis ay fulisay Xarunta King’s College London.

Michael Lynas oo ah Agaasimaha Fulinta Hay’adda Trust ee cilmi-baadhista samaysay, ayaa wargeyska the Sundays Times oo Maankaab soo xigtay u sheegay in natiijadoodu ay daboolka ka qaaday in dad dhexgal la’aanta iyo kalinnimadu  ay aad ugu badanayso da’ yarta, taasina ay dhibaato ku noqonayso dhaqaalaha mustaqbalka adduunka, gaar ahaan dalka Ingiriiska.

Logan Annisette oo ah khabiir cilmi-nafsiga ku takhasusay, waxna ka dhiga Jaamacada university of Windsor ee magaalada Ontario ee dalka Kanada (Canada), cilmi-baadhistana hoggaaminaayey ayaa sheegay in isaga iyo kooxdiisu ay arkeen khatar badan oo baraha bulshadu ay ku yeelanayaan da’ yarta oo xagga maskaxda u badan, taasoo keeni karta in ubadka haddu aanay waxbaarashada ku fiican, kuna adkaato in ay bulshadooda wax u qabtaan amma dhex galaan.

Waxaa Tar-jumay Cumar Maxamed Kulmiye

 

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip