Cilmi-baadhis Cusub oo Dalka Maraykanka laga Soo Saaray Ayaa Sheegtay In Habab Badan Oo Caan Ka Ah Dunida Timahana Loo Dabo Ay Sababaan In Malaayiin Haween Ah Ay Timahooda Ku Wayaan.

0
Tuesday June 14, 2016 - 19:26:39 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cilmi-baadhis Cusub oo Dalka Maraykanka laga Soo Saaray Ayaa Sheegtay In Habab Badan Oo Caan Ka Ah Dunida Timahana Loo Dabo Ay Sababaan In Malaayiin Haween Ah Ay Timahooda Ku Wayaan.

    Ma aha wax sir ah in dad badan, gaar ahaan haween ay timahooda si aad u yaryar oo soo jiidasho leh u dabaan, balse cilmi-baadhis cusub oo Maraykanka laga soo saaray ayaa sheegtay in habab badan oo caan ka ah dunida oo timaha loo dabo ay keenaan in ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma aha wax sir ah in dad badan, gaar ahaan haween ay timahooda si aad u yaryar oo soo jiidasho leh u dabaan, balse cilmi-baadhis cusub oo Maraykanka laga soo saaray ayaa sheegtay in habab badan oo caan ka ah dunida oo timaha loo dabo ay keenaan in malaayiin haween ah ay timahooda ku wayaan oo si fudud ay kaga tagaan.

Cilmi-baadhistu waxa ay xustay in tima dabashada ugu quruxda badan, tusaale ahaan kuwa aadka u yaryareeyaan dumarku ee isu dhaw ay keenaan in timuhu daataan, quruxdaasna ay ka dambayso timasho waayid ay garan waayaan meel ay uga timi.

Dumarka Afrikanka ah ee qaaradda Amerika ku nool oo timo dabashada caan ku ah 30% ka mid ah amma saddexii dumar ah ee Afrikan ah ee Maraykanka ku nool in mid ka mid ah ay la soo daristo xaaladda la yidhaa (Traction Alopecia) oo ah mid timuhu daataan, taasoo ay keento habka ay timaha u dabtaan sida ay sheegeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Johns Hopkins University oo daraasaddan samaysay.

Khubarada oo lafa-gurtay daraasad ay ka heleen 19 cilmi-baadhisood oo kala duwan, ayaa lagu ogaaday in xidhiidh toos ah ka dhaceeyo timo daashada (Traction alopecia) iyo habka timaha loo dabto. Waxa xaaladdani dhacdaa marka xididka timuhu dhaawacmaan, gaar ahaan godadka Follicle ee timuhu ka soo baxaan kadibna sababto in timuhu si fudud u dataan oo aanay dib u soo bixin.

Hase ahaatee, waxa khubaradu sheegeen in aan cilmi-baadhistan u baahan tahay baadhitaan dheeraad ah, balse waxa ay baadhitaankooda ku ogaadeen in dabistu keeni karto in godadaka timuhu ka soo baxaan amma xididkoodu dhaawacmo ee aadka u giijisan laga taxadiro oo aan si joogto ah loo samayn hab dabistaas.

Waxaa Tar-jumay Cumar Maxamed Kulmiye





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip