Madaxweynaha oo Xilka ka qaaday Gen Tuuryare Magaacabayne Taliye si Kmg ah

0
Tuesday June 14, 2016 - 19:26:39 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo Xilka ka qaaday Gen Tuuryare Magaacabayne Taliye si Kmg ah

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Taliyihii Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Taliyihii Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Isla Xeerkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , loogu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.

Xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqangalayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14 June 2016.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip