Ciidamada Booliska Gaarka Soomaaliya RRT oo Howlgalo ka sameeyay Caasimada Soomaaliya+Sawirro

0
Wednesday June 08, 2016 - 22:08:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1825
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Gaarka Soomaaliya RRT oo Howlgalo ka sameeyay Caasimada Soomaaliya+Sawirro

    Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRT boliiska Soomaaliyaiyo ciidamada Booliska qeybta Gobolka Banaadir qaybta ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo kasameeyey isgosyada magaalada Muqdisho, iyagoona feejignaan gaar ah qabo taasi loogu talagalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRT boliiska Soomaaliyaiyo ciidamada Booliska qeybta Gobolka Banaadir qaybta ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo kasameeyey isgosyada magaalada Muqdisho, iyagoona feejignaan gaar ah qabo taasi loogu talagalay in bulshada caasimadda si nabad galyo ah ee ugu soomaan Bisha barakeysan Ramadaan.

Howlgalka ayaa ciidamada waxa ay ka sameeyeen Igoosyada Magaalada muqdisho waxa ayna Ciidamada Gawaarida yar yare ee Raaxada ah weydiinayeen wax Aqoonsi ah iyagoona inta ay Howlgalka uu socday ay Ciidamada Gacanta ku dhigeen Dad looga shaki qabo in ay falal amni daro ah ku howl lan yihiin.

Sidoo kale Ciidamada RRT ee Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay Baarayeen Gawaarida ay Soomaalida u taqaano Qooqanta oo ay saran yihiin ciidamada iyagoona weydiinayay Aqoonsi iyo cida ay yihiin

Gashaanle Sarre Bishaar Abshir Geedi oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Booliska qeybta Gobolka Banaadir ayaa isgooska Km4 ugu waramay Warbaahinta Ciidamada ayaa sheegay in arintaan ay qayb katahay sarre uqaadida Ammaanka Caasimadda oo dhawaan isku diyaarineyso Doorashooyinka Dalka.

"Runtii caawa waxaan howlgallo kasameynay Casimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Qaybo ka mid ah oo lagu sugayo arrimaha amniga gobolka banaadir, Howshaasi waxaa ka qayb qaatay ciidamada booliska qaybta guud iyo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan RRT oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed, howlgalkaasi waxuu bilowday habeenkii ugu horeysay Ramadan , si is daba joog ah ayuu u soconayaa baaritaanka, iyadoo lagu xaqiijinayo amniga gobolka ilaa 30 bisha Ramadan ayuuna soconayaa, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu soomaan uguna afuraan soonka uguna ciidaan amni buuxda iyagoo haystaā€¯ ayuu yiri taliyaha qaybta booliska gobolka banaadir gashanle sarre bishaar abshir geedi.

G/Sare Bishaar Abshir Geedi Taliyaha qaybta Booliska Soomaaliya ayaa ka cosaday bulshada gobolka banaadir in ay Nabada u istaagaan ciidamadana la shaqeeyaan , taasi oo keeni karta in kuwa nabada kasoo horjeeda ay ku hungoobaan ficilada xun ay ka dhax sameeyaan shacabka waxuuna intaa ku daray in booliska uu u taagan yahay sarre u qaadida ammaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho,



vlcsnap-2016-06-08-16h13m22s933vlcsnap-2016-06-08-16h15m31s235vlcsnap-2016-06-08-16h16m13s461vlcsnap-2016-06-08-16h16m54s310vlcsnap-2016-06-08-16h17m04s242vlcsnap-2016-06-08-16h17m52s391vlcsnap-2016-06-08-16h18m28s084vlcsnap-2016-06-08-16h18m41s278vlcsnap-2016-06-08-16h18m53s458vlcsnap-2016-06-08-16h19m10s028vlcsnap-2016-06-08-16h19m28s080vlcsnap-2016-06-08-16h19m46s875vlcsnap-2016-06-08-16h20m02s420vlcsnap-2016-06-08-16h20m46s369vlcsnap-2016-06-08-16h21m13s262vlcsnap-2016-06-08-16h21m25s462vlcsnap-2016-06-08-16h21m37s255vlcsnap-2016-06-08-16h21m50s183vlcsnap-2016-06-08-16h22m10s876vlcsnap-2016-06-08-16h22m46s086vlcsnap-2016-06-08-16h23m00s395vlcsnap-2016-06-08-16h23m11s430


 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip