Col:David Obonyo ''Waxaan Dilnay 25 ka tirsan Kooxda Al-shabaab''

0
Thursday May 26, 2016 - 11:22:29 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Col:David Obonyo ''Waxaan Dilnay 25 ka tirsan Kooxda Al-shabaab''

    Col:David Obonyo oo ah Af-hayeenka Ciidanka difaaca Kenya ayaa shaaciyay iney 21 ka mid ah mintidiinta Al-shabaab ku dileen degaanka Xawinaa oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Col:David Obonyo oo ah Af-hayeenka Ciidanka difaaca Kenya ayaa shaaciyay iney 21 ka mid ah mintidiinta Al-shabaab ku dileen degaanka Xawinaa oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Bayaan ay soo saareen Millitery-ga Kenya ayaa lagu sheegay in xubin ka tirsan Ururka Al-shabaab uu rasaas ku furay xilli uu ciidankoodu ku safrayay waddada u dhexeysa Taabta iyo Dhoobleey, taasoo keentay iney ciidamadu halkaasi ka sameeyaan hawl-gal lagu baacsanayo Malleeshiyaadka jid galka sameeyay,kaasoo isu beddelay dagaal fool ka fool ah.


Xubnaha laga dilay Al-shabaab ayaa la sheegayaa inuu ku jiray sarkaal hoose oo lagu magacaabo Salaad Bart, kaasoo Malleeshiyada u qaabbilsanaa aagga lagu dagaalamay ee Xawinaa.



Ciidanka difaaca dalka Kenya ayaa sheegay iney Al-shabaab ka qabsadeen hub iyo saanad Millitery oo ay ka mid yihiin 17 qori AK-47 iyo dhowr gentaalaha garabka laga gano ah.

Seorce:The Standard




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip