Talyaaniga oo Qalab ciidan ku wareejiyay Taliska ciidanka booliska Soomaaliya

0
Tuesday May 24, 2016 - 18:07:39 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talyaaniga oo Qalab ciidan ku wareejiyay Taliska ciidanka booliska Soomaaliya

    Munaasabadan oo aheed mid kooban isla mar ahaantaana Qalab ciid loogu wareejinaaye taliska ciidanka boliska soomaliya ayaa lagu Qabtay Xarunta safaarada talyaaniga ay ku leedahay magaalada muqdsho waxaana ka qeeb galay Taliyaha ciidanka boliska sooma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadan oo aheed mid kooban isla mar ahaantaana Qalab ciid loogu wareejinaaye taliska ciidanka boliska soomaliya ayaa lagu Qabtay Xarunta safaarada talyaaniga ay ku leedahay magaalada muqdsho waxaana ka qeeb galay Taliyaha ciidanka boliska soomaliya iyo Taliye ku xigeynka Ciidanka Booliska safiirka talyaaniga u fadhiya soomaliya iyo sarakiil ka kala socotey Ciidamada booliska soomaaliya iyo Talyaaniga .

Danjiraha Dowlada Talyaaniga u fadhiya soomaaliya Fabrisio Marrcelli oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mar walba ay garab Taaganyiin soomaliya isla mar ahaantaana uu ka dhaxeeyo xiriir adag oo soo jireen ah Gacana ay ka geesanayaan tayeenta ciidanka boliska Soomaaliya


‘’Waxaan sharaf weyn inoo ah in Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya gaar ahaa taliyaha ciidanka Booliska S/gaas Maxamed sh Xasan Xaamuud aan ku wareejino saanad ciidan aan ugu tala galnay ciidanka booliska soomaaliya waxaa halkaan ka muuqata xiriirikii soomaaliya iyo talyaaniga uu weynayo Talyaniga waxa ay ka mid tahay dowladaha si gaar ah u taagera ciidamada qalabka sida’’’



Taliyaha ciidanka boliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed shiiq xasan xaamud oo isna ka halay goobta ayaa dowlada Talyaaniga uga mahad celiyay qalabka ciidan ay dowlada talyaaniga ku wareejisay Taliska ciidanka boliska soomaliya


‘’’ Waxaan farxad gaar ah aan u jeedinayaa dowlada Talyaniga oo ka sheqeyneysa horumarka iyo tababarada ciidanka booliska soomaaliya Dowlada Talyaniga waxa ay dhawaan dalkeeda u qaaday 25 Saraakiil oo soo qadanaya kulan aqoon kororsi ah ‘’’’


Dowlada Talyaaniga ayaa ka mid ah dowladaha taagera ciidamada qalabka sida iyadoona dhawaan saraakiil ka tirsan ciidanka booliska soomaaliya ay u qaadey dalkeeda

 

.

BH0A2808BH0A2811BH0A2813BH0A2830BH0A2861BH0A2880BH0A2755BH0A2767BH0A2768BH0A2774BH0A2796BH0A2802BH0A2803


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip