G/Sare Shuute ''Waxaan soo Gaba gabeeney Dacwada Dadkii loo heestey Qaraxii Daallo'' Dhageyso

0
Tuesday May 24, 2016 - 17:33:16 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    G/Sare Shuute ''Waxaan soo Gaba gabeeney Dacwada Dadkii loo heestey Qaraxii Daallo'' Dhageyso

    Maxkamadda Ciidamada Qalbaka Sida ayaa soo Gaba-gabeysay dhageysiga dacwadii loo heystay Eedeysanayaal lala xiririinayo inay ku lug lahaayeen Qaraxii Diyaaradda Daallo Airline ka dhex dhacay 2016-02-02 xili ay ka duushay Garoonka Diyuuradaha ee Muqdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada Qalbaka Sida ayaa soo Gaba-gabeysay dhageysiga dacwadii loo heystay Eedeysanayaal lala xiririinayo inay ku lug lahaayeen Qaraxii Diyaaradda Daallo Airline ka dhex dhacay 2016-02-02 xili ay ka duushay Garoonka Diyuuradaha ee Muqdisho.

14-qof oo loo heystay eedaas ayaa la horkeena Markii 3-aad Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida halka qof maqan oo dheerad ka ah tiradaas ay xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay hor keentay cadeymo muujinayo kaalintii uu ku lahaa weerarkaas fashilmay.


Ujeedooyinka ay ka lahaayeen abaabulka fashilmay ee damiciisu ahaa in Turkish Airways lagu wax yeelaayo ayey xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ku sheegeen in la xumeeyo xiriirada kala dhexeeyo Soomaaliya caalamka sida Diblumaasiyadeed, Dhaqaale iyo Amni.



Qaraanada difaacaayey eedeysanayaashan ayaa iyaguna ku doodayay inaysan laheyn wax dambi ah inkasto Hey'adaha Ammanka ay soo bandhigeen muqaalo iyo markaatiyaal muujinayo kaalinta ay ku lahaayeen Qaraxadii Diyaaradda Daallo Airline Dadkan gaarayay 15-ka qof oo uu qof kamid ah maqana ahaa.


Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Maxkamaddu xirantahay dibna looga dhawaaqi doono xukunada ay mudan-yihiin.


Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Heerkeeda 1-aad ayaa looga fadhiya Xukunnada Kama dambeysta ah oo ay mudan-yihiin Eedeysanayaasha lala xiriirinayo inay kaalin ku lahaayaan Qaraxii Daallo ee dhacay 02-02-2016.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip