Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka oo maanta Booqdey gudaha Xabsiga dhaxe xamar(Sawiro)

0
Monday May 23, 2016 - 18:11:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka oo maanta Booqdey gudaha Xabsiga dhaxe xamar(Sawiro)

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa waxa ay Maanta Kormeer ku tageen Xarunta ku Meel gaarka ah ee Ciidanka Asluubta iyo Xabsiga dhexe ee Xamar oo iminka ay ku jiraa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa waxa ay Maanta Kormeer ku tageen Xarunta ku Meel gaarka ah ee Ciidanka Asluubta iyo Xabsiga dhexe ee Xamar oo iminka ay ku jiraan Maxaabiis aad u fara badan oo Dambiyo kala duwan Galay waxaana Taliska kusoo dhaweeyey Masuuliyiintan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaaamac iyagoona Salaan Sharaf ka qaatay Cutub ka tirsan Ciidanka Bando Music ee Asluubta .

Kulan Gaar ayey isla qaateen Madaxweynaha Galmudug ,Xeeer ilaaliyaha qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta waxaana kulankaasi ay uga hadleyn  sidii Dib u dhis loogu sameyn lahaa Xabsiyada iyo Xarumihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ku lahaayeen Deegaanada Maamulka Galmudug uu ka aramiyo  kuwaasi oo ku Burburay Colaadii dalka ka dhacday  .

Kulankaasi kadib ayaa Cabdi kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ,Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac iyo Taliye Xigeenada Ciidanka Asluubta waxa ay kormeereen Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran  waxaana ay soo indha indheeyeen Qeybaha uu ka kooban yahay Xabsiga sida Goobaha ay wax ku bartaan Maxaabiista, Qolalka ay jiiftaan Gooroomada Kubada iyo Ciyaaraha kale ay ku dheelaan iyo Warshad farsamada Gacanta lagu baro Maxaabiista oo Saarta Agabyo kala Duwan oo u Badan Qalab Xafiiseedka  Kormeerka markii uu soo Idlaadayna si wada jir ah ayey Wariyaasha ula hadleen .

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo isaga hadalka ku Horeeyey ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta Sharaf weyn ay u tahay in uu soo Booqda Madax weynaha Galmudug isagoona Xusay in C.kariin Guuled uu yahay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamul Goboleed ka socda oo soo Booqda Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku jirta  .

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Horumarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay gaareen waxa uu ku Amaanay in S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac waxaana uu Balan qaaday  in uu la shaqeyn Doonno  .

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa isna dhankiisa sheegay in Ciidanka Asluubta Horumar la taaban karo uu gaaray waxaana Taliyaha iyo Saraakiisha Ciidanka Asluubta uu ku Amaanay isbadalka wanaagsan oo ay ku sameeyeen Nolosha Maxaabiista Xabsiga dhexe iyo Shaqada Ciidanku uu u hayo Bulshada Soomaaliyeed .

image-1bcc71aa4cf08d04ad012d2e7da43d9cbdeabdde2a620b02dfa6d11773ebdf9c-Vimage-2a1df925c63c7a789dc6de4cc368ddb243275ee1f1208779b9fd023073e95d92-Vimage-6e7d42abd6ad00f3ddc886644d635f5f35d1c67e5dd9c84ef222e972f373bfe4-Vimage-95d4b7c8be3480d54292529b2307aff56a2258ee8a53d323464f547561520d45-Vimage-650ef9d0b1ffc1e7dae68a63849ccaa3c610e63d88265b96149444c7a64a23f3-Vimage-3086adacedea255eb1d0527063684e33853b7162d584f15f0ffb9b38d83df7ba-Vimage-9857ea360b4cd180d9bb817d2922839e6d0484cc612d10caba95c8c2c15e3d5a-Vimage-3757866346262128094a6c83028787149bbe98497566b2b8e9d245532f95af48-Vimage-a5e0838fbe9fcafa4bc085aece9b61f19e58d54554dd5ca87ec90f33e78dbfc1-Vimage-b49b53cd4724feab27692b87c032f5b9a414a21d7b48a4a4dfc2bee216447f4a-Vimage-c5b88d2bd7d73286cfeddc9dc567272c07fd03bf05aaefe25a5d248e789c427e-Vimage-c5cd85cf68b31a1cd3c0e819147ccfffa03afdea54e7c00c43686619db03809c-Vimage-c13824f5826abd921784ca5aa0d51bb38c766e424086e9c17c8ee79f18cff396-Vimage-d10fc720eec00ae9374b6d78b6591cdaeef3f663c25d14ef5e44082da55eb473-Vimage-da42eb6df170b4a374d167d7f21b1d4551e9e31045f2df6795dda92c7df3c3c6-Vimage-da42eb6df170b4a374d167d7f21b1d4551e9e31045f2df6795dda92c7df3c3c6-V_1image-e40544dda46fd439d7b0052fdd030599aea55175b65f8dd166578ce12c3732f6-V



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip