Marwo Sahro Cumar Xasan''Waa in lafuraa Goobo lagu Daryeelo hooyada Soomaaliyeed''(Sawiro)

0
Monday May 23, 2016 - 18:11:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwo Sahro Cumar Xasan''Waa in lafuraa Goobo lagu Daryeelo hooyada Soomaaliyeed''(Sawiro)

    Munaasabad lagu xusayey ka hortaga isku furanka Hooyada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ka qeyb gashay Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Sahro Cumar Xasan, Wasiir ku-xigeenka caafimaadka, agaasimaha guud ee Wasaaradda C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu xusayey ka hortaga isku furanka Hooyada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ka qeyb gashay Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Sahro Cumar Xasan, Wasiir ku-xigeenka caafimaadka, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, guddoomiyha ururka haweenka gobolka Banaadir, gudoomiye ku-xigeenka Haweenka Qaranka iyo hay'adaha Wasaaradda caafimaadka ka gacan siiya ka hortaga halista isku furanaka haweenka waqtiga dhalamada ku yimaada.

Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir Jawahir Baarqab ayaa xustay in isku furanka uu sameeyn xun ku yeeshay haweenka Soomaaliyeed.

"waxaan ognahay in isku furanka sameyn balaaran uu ku yeeshay haweenka, ilaa ay la kulmaan takoor, loo furo dhibkii ka soo gaaray markii ay dhalaysay daryeel la’aanta caafimaad ay waysay cid umulisa darteed.”

Canab Xasan guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka ayaa tilmaantay hooyada uurka leh ay u baahnatahay xarun caafimaadka ,si looga badbaado ,halista isku furanka .

"waxaa loo baahan yahay dadaal dheeraad ah oo haweenka Soomaaiyeed lagu badbaadinayo ma udul qaadan karno in ay geeriyooto Hooyo Soomaaliyeed ee waysay meel ay ku Umusho ama ay isku furanto.”

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi ayaa xusay in Wasaaradda ay ka dagaalamayso in Hooyo Soomaaliyeed oo foolanaysa ay isku furanto, aydoo waysay umuliso xirfadle leh.

Marw Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan ayaa xustay in loo bahanyahay in Hooyada ay dhibkeeda sheegan karto, isla markaana la helo cid ka jawaabta, waxaana ay intaa ku dartay in Hooyada ay marto marxalado badan marka ay uurka leedahay ilaa iyo inta a ka dhaleyso, ayna xaq u leedahay inay hesho daryeel caafimaad oo taam ah.

Dhowr iyo 20-ki sano ee ugu dambeeyay isku furanka waxa loo yaqaan waxa uu saameyn ku yeeshay haween badan, kuwaasi oo aan helin daryeelkii loo bahnaa xilliga dhalmada.

DSC02286DSC02291DSC02299DSC02307DSC02313DSC02314DSC02315DSC02317DSC02319DSC02320DSC02321DSC02322DSC02323DSC02325DSC02328DSC02329DSC02330DSC02331DSC02332DSC02334DSC02335DSC02337DSC02339DSC02341DSC02342DSC02343DSC02345DSC02351DSC02363DSC02370DSC02371DSC02373DSC02374DSC02375DSC02376DSC02377DSC02379DSC02380DSC02388DSC02389DSC02391DSC02392DSC02396  DSC02400DSC02402DSC02403DSC02404DSC02408DSC02411DSC02415DSC02419DSC02423DSC02427DSC02429DSC02444DSC02447DSC02456


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip