Gen Xaamuud oo kismaayo Tabbar ugu soo xeray Ciidamadii ugu horeyay ee Booliska Maamulka Jubbaland

0
Monday May 23, 2016 - 14:00:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gen Xaamuud oo kismaayo Tabbar ugu soo xeray Ciidamadii ugu horeyay ee Booliska Maamulka Jubbaland

    Masuulyiin uu kamid yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo gaaaray magaalada Kismaayo waxaana garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha Gudaha Jubbaland iyo xubno kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuulyiin uu kamid yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo gaaaray magaalada Kismaayo waxaana garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha Gudaha Jubbaland iyo xubno kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa magaalada kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubba land Tababar ugu soo xeray ku dhawaad 400 askar oo ka mid noqoday  ciidamadii ugu horeeyay  booliska ah ee uu yeeshey Maamulka Jubba land



Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiis ayaa ugu mahad celiyay dhamaan cidii ka qeyb qaadatey dhisamaha ciidamadaan cusub waxa uuna si gaar ah mahad celin u jeediyay Taliska Ciidanka booliska Soomaaliya  Booliska Amison  iyo dowlada UK oo qarashaadka ciidamadaani bixinayay


Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamud oo Isna goobta ka Hadley ayaa waxa uu la dar daarmey ciidanka waxa uuna kula dardaarmey ciidanka in ay bulshadooda u noqdaan daacad isla markaana ay ka fogadaan muqaadaraadka iyo waxa lamid


Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya saraakiil ka tirsan ciidanka booliska soomaaliya Kooxda fanaaniinta heegan iyo Kooxda bandho music ee booliska soomaaliya 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip