Daawo Ciidamo u gurmaday Dadka Reer Baladweyne uu ku fatahay wabiga shabelle

0
Monday May 23, 2016 - 09:25:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Ciidamo u gurmaday Dadka Reer Baladweyne uu ku fatahay wabiga shabelle

    Gaadiidka Guutada 10-aad ee CXDS ayaa Maalintii 7-aad oo Xiirar ah la arkayaa iyagoo ka qeeyb qaadanaya Samatabixinta Dadka ay Saameeyeen Fatahaadii iyo Dagaaladii Ka Dhacay Magaalan Beledweyne, iyagoo Maanta Ciidanku ay Fursad u heleen in ay Xaafadd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaadiidka Guutada 10-aad ee CXDS ayaa Maalintii 7-aad oo Xiirar ah la arkayaa iyagoo ka qeeyb qaadanaya Samatabixinta Dadka ay Saameeyeen Fatahaadii iyo Dagaaladii Ka Dhacay Magaalan Beledweyne, iyagoo Maanta Ciidanku ay Fursad u heleen in ay Xaafadda Howl wadaag ka soo Saareen Dadkii Shacabka ahaa ee Mudada 5ta Maalin ah ku Godoon sanaa, kadibmarkii ay Ku Dul dagaalamayeen Maleeshiyo Beeleed oo aan illaa iyo Hadda la kala garan waxa ay kala faa'ideen Marka laga reebo in ay ku dhinteen Dad badan oo shacab ah oo aan waxbo galabsan.

Wabiga Shabeelle ayaa si siman ugu Fatahay dhammaan 4-ta Xaafadood ee Magaaladan Beledweyne ka Koobantahay, Waxaana Tani lagu Tilmaamay Musiibo aan Horey magaalada u soo marin.

In Kabadn 20 kun oo Qeys ayaa Hadda ay Hooy u tahay Deegaanada Ceel-Jaale iyo Jante Kun Dishe Duleedka Barrie ee Magaaladan Beledweyne, Kuwaas oo aan ilaa hadda helin Kaalmooyin la gaarsiiyay Marka laga reebo Ururka Dhalinyaradda Gobalka oo iskood isku xilqaamay kuwaas oo Biyo Dhaamin u sameeyay Dadka halkaas ku barakacay, Waxaase dhinaca Kale Jira In iyane Ciidanka Hiil-Walaal ay Cuno Karin aan sidaa u badneeyn u Sameeya Habeen iyo Maalina ay iyaga iyo CXDS ay Gaar ka hayaan Si aanay ugu soo dhax dhuuman kooxo Tuugo ah oo iyagu Caadeeystay in aay Dadka Soo Barakacay Dhibaateeyaan.

Maamulka Gobalka iyo Xubno Kamid ah Bulshadda Rayidka ayaa Ugu Baaqay Hay’adaha Samafalka iyo Dowladda Soomaaliyeen in aanay Indhaha ka qabsan Xaaladda adage e manta ka jirta Magaaladan Beledweyne .

Waa Fatahaadii Ugu Darneeyd ee Abad Soomarta Magaalada Beledweyne Tan iyo 1981 Waxaa Guud ahaanba kala Go’ay Isku socdka Dadka iyo Gaadiidkaba Korantadii Magaaladane waa la jaray Xaaladune waa mid aad u adag weeyna ka sii dari kartaa hadii aanay Gurmad Dag dag ah helin.

134567

?

?



 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip