Dadkii loo heestey qaraxii Diyaarada Daallo oo mar kale Maxkamada lasoo taagay

0
Sunday May 22, 2016 - 16:11:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadkii loo heestey qaraxii Diyaarada Daallo oo mar kale Maxkamada lasoo taagay

    Dhageysigii labaad ee Dacwada eedeysanayaasha loo heysto inay ka dmabeeyeen qarxii ka dhax dhacay Diyaaradda Daalo horaantii bishii Febraury ee sanadkan ayay maanta u fariisatay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka qalabka sida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhageysigii labaad ee Dacwada eedeysanayaasha loo heysto inay ka dmabeeyeen qarxii ka dhax dhacay Diyaaradda Daalo horaantii bishii Febraury ee sanadkan ayay maanta u fariisatay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka qalabka sida.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa ugu horeyn maxkamadda hordhigtay Dacwadda loo heysto eedeysanayaasha oo tiradooda ay gaareyso 14-qof oo mid kamdi ah ay haweeney tahay Islamarkaana lagusoo oogay inay fududeeyeen ama ku lug lahaayeen Qarixii Diyaaradda daalo.


Intii ay dacwadda Maxkamadda furneed ayaa mid mid su’aalo loo weydiiyay eedeysanayaasha iyo qaar kamdi ah qareenada u doodaya inkastoo wali Maxkamddu aysan go’aan rasmi ah ka gaarin kiiska qarixii Diyaaradda daalo.



Intaasi kadib Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka codsaday xafiiska Xeer ilaalinta Ciidanka qalabka sida inay keenaan cadeymo dheeraad ah oo la xiriira dambiga loo heysto eedeysanayaashan.


Labadii bishii Febraury ee sanadkan ayaa qarax laa aaminsan yahay in loo adeegsaday laptop uu ka dhex dhacay Diyaaardda Daalo oo ay lasocdeeen inkabadan 70-rakaab ah wax yar akdib markii ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Aadan cade ee Magaalada Mqudisho ,iyadoo Ciidamada Amniga Dwoladda Federaalka ah baaritaano iyo dabagal ay sameeyeen ay kusoo qabteen 14-ka qof ee maanta Maxkamadda la horkeenay kuwaasi oo loo heysto inay wax ka ogaaayeen kana dambeeyeen qaraxaasi oo ay masuuliyadiisa dusha saarteen Kooxda argagaxida ah ee Al-Shabaab.


Wixii ka dambeeyay Qaraxii ka dhacay Diyaaradda Daalo ayaa aad loo adkeeyay Amaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade oo iminka shacabka iyo masuuliyiinta Dowladda si isku mid ah loo baaro arintaasi oo tusaale u ah inuu wax weyn iska badalay Amniga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip