Gen Xaamuud ''Waxaan wadnaa soo celinta wada shaqeyntii booliska iyo dadka shacabka''

0
Sunday May 22, 2016 - 16:07:46 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gen Xaamuud ''Waxaan wadnaa soo celinta wada shaqeyntii booliska iyo dadka shacabka''

    Munaasabad balaaran oo tabbar loogu soo xeray ciidamo boolis ah oo laga kala keeney todobo iyo banka saldhigey ee gobolka banaadir ayaa tababar mudo Todobo maalin ah waxa uu ugu socdey dugsiga tabbabarka ciidanka booliska soomaaliya ee Generaal kaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad balaaran oo tabbar loogu soo xeray ciidamo boolis ah oo laga kala keeney todobo iyo banka saldhigey ee gobolka banaadir ayaa tababar mudo Todobo maalin ah waxa uu ugu socdey dugsiga tabbabarka ciidanka booliska soomaaliya ee Generaal kaahiye waxaana munaasabada tababarka loogu soo xaray ka qeeb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Agaasimaha guud ee wasaarada amniga saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Fanaaniinta Kooxda heegan ee ciidanka booliska ayaa sugaan ka turjumeyso wada shaqeynta ciidanka booliska iyo shacabka ayaa goobta kusoo bandhigay.

Agaasimaha Guud ee wasaarada amniga xukumada fadareelka soomaaliya Mudane  yuusuf Maxamed Cali oo munaasabada ka Hadley ayaa waxa uu sheegay hadii la heli wada shaqeenta booliska iyo shacabka ay nabad qal qal gali karto waxa uuna askarta maanta tabbarka usoo xermay ka codsadey in ay shacabka saxiib dhaw la noqdaan ayna xogta nabadiidka ka raadiyaan shacabka soomaaliyed,,,



‘’’Waxaa sharaf weyn inoo ah anigoo ku hadlaya magaca wasaarada amniga gudaha soomaaliya in aan idin kala soo qeyb galo munaasabadaan tabbarka loogu soo xerayo askartaan laga kala qeenay todobo iyo tobanka saldhig ee gobolka Banaadir waxaana idinka codsanayaa in aad ka shaqeysaan amniga dalka shacabka iyo booliska hadey islala shaqeeynin nabadiidka fursad ayay u tahay balse shacab waa inaa ka raadisaan xogta nabadiidka si guulo looga gaaro ayuu yir agaasimaha wasaarada amniga ‘’’’


Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamed sh Xasan Xaamuud  ayaa sheegay in ay askartaan maanta tababarka loo soo xeray ay fursad u yeesheen in loo tababaro sidii ay iskula shaqeen lahayeen booliska soomaaliya iyo shacabka soomaaliyeed  waxa uuna sidoo kale sheegay in burburka dalka soo maray looga gudbi karo uu yahay  in la helo boolis  tayeesan oo tabbaro kala duwan qaatey


‘’’ Askartaan waxa ay fursad u yeesheen in loo tababaro sidii ay bulshada soomaaliyeed ugu shaqeyn lahayeen waxaan idinka codsanayaa in aad ka shaqeysaan horumarka nabad galyada dalka waxaana sii wadi doonaa horumarka iyo tababarada ciidanka booliska soomaaliya’’’

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu hormarinayo ciidanka booliska soomaaliya iyadoona tababaro kala duwan loo furey saraakiisha ciidanka booliska soomaaliyo 

 

  



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip