Maadaxweynaha jamuuriyda fadareelka soomaaliya Ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida oo soo saarey Xeer uu ku ansixinayo hanaanka doorasho +Daawo

0
Sunday May 22, 2016 - 13:55:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maadaxweynaha jamuuriyda fadareelka soomaaliya Ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida oo soo saarey Xeer uu ku ansixinayo hanaanka doorasho +Daawo

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu xeer Madaxweyne ku meel mariyay heshiiskii Hanaanka doorashooyinka ee hor-yaalay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu xeer Madaxweyne ku meel mariyay heshiiskii Hanaanka doorashooyinka ee hor-yaalay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu Madaxweynuhu goor dhow ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa uu ku sheegay inuu xeer Madaxweyne ku ansixiyay heshiiskaas, kadib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu xal keeni waayay.

"Dadka Soomaaliyeed dhamaan meel kasta ay joogaan, maanta waxaa u hor imid dadka oo aan rabaa inaan la socodsiiyo go’aan xasaasi ah, oo muhiim ah, laga yaabo inay dad badan i dhibsadaan ama ka xumaadaan, laakiin aan la eegnay danta Soomaaliya, dalkeena Soomaaliya wuxuu ka soo baxay duruufo adag oo dheer, maanta wuxuu ku sugan yahay duruufo kale, wuxuu u baahan yahay in mararka qaarkood la qaato go’aano adag”ayuu Madaxweynaha ku bilaabay shirkiisa jaraa’id.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay heerarkii uu soo maray hiigsiga 2016, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay ka qeyb galeen, isagoo xusay in afartii sano ee la soo dhaafay ay ka shaqeeyeen in aanay marnaba dhicin in talada dadka Soomaaliyeed ka baxdo gacantooda, isla markaana ay gasho gacanta dad ajnabi ama ka baxsan xeyndaabka dowladdnimada.

"Isbuucii la soo dhaafay waxaa noo cadaatay in Baarlamaanka ku culus tahay inuu go’aan deg deg ah ka gaaro, waana ku kala ra’yi duwanaaday, anigoo ka fikiraya waqtiga xadidan ee aan heysan, anoo ka fikiraya wanaaga baarlamaanka ku jiro wixii khilaaf keenaya sii kala wadaya in baarlamaanka looga turo, anoo ilaalinaya danaha qaranka ee hadii go’aanadaas horay u socon waayaan, waxaa ii cadaatay inay adag tahay inuu baarlamaanka wada ogol dhexdiisa uu ka gaaro arrintaas, maanta waxaa soo saaraya xeer Madaxweyne oo tilmaamaya sida looga gudbayo marxaladaas adag, ayadoo aan u tureyno baarkamaanka oo aan diideyno in kala qeybsamo, oo aan diideyno kala qeybsanaan madasha hogaamiyeyaasha qaran dhexdooda ah iyo inay dhacdo beesha caalamka rajo xumo ku timaado, maanta waxaa soo saaray xeer aan ku xeerinayo heshiiskii u dambeeyay madasha hogaamiyeyaasha qaran wadar ogol ay ku gaareen, wixii ay gaareen arrimaha 2016 sida wadar ogol loo helo, baarlamaanka waa u gudubinay sidaas darteed waxaa soo saaray xeer lagu meel marinayo heshiiska madasha wadatashiga qaran dhaqan gelinta doorashooyinka dadban ee 2016 dhacayo, sidaas darteed shacabka soomaaliyeed waxaa u sheegeynaa in lagu go’aamiyay halka ay mari doonto doorashooyinka"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka muuqatay deganaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu dhaqan galayo xeerka uu soo saaray ee ku saabsan in heshiiska hanaanka doorashada uu dhaqan galayo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashada ay dhici doonta waqtigii loogu tala galay, meelihii loogu tala galay ay ka kala dhici doonaan, waxaana uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka gudbeyso marxalada xasaasiga ah ee ay gashay.

Qodobada uu Madaxweynuhu xeeriyay ayaa ah kuwan soo socda.

Qodobka 1aad

1. In la dhaqan geliyo Go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016 iyo soo Bandhigidda Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee 30/04/2016 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka.

2. In Hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah Hay’adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta.

Qodobka 2aad

1. In la ilaaliyo mabda’ Dastuuriga oo ah in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay matalaad ku yeeshaan dhammaan degaannada Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.

2. Suurta galinta habka ay ku imanayso matalaadda Muqdisho ee Aqalka Sare iyo xallinta wixi tabasho ah, go’aanna looga gaaro shirka soo socda ee Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka.

Xeerkan ayaa dhaqan-galey maanta kadib markii uu si rasmi ah qalinka ugu duugay Madaxweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Madaxweynaha

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip