Xasan Xanafi oo saakey la marsiiyay Cadaalada

0
Monday April 11, 2016 - 11:38:56 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Xanafi oo saakey la marsiiyay Cadaalada

    Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saakey cadaalada marsiisey Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa Maleyshiyada Kooxda al-shabaab , kaasoo horay loogu soo eedeeyay inuu ku lug lahaa dilalka Wariyeyaal dhowr ah oo lagu diley gudaha dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa saakey cadaalada marsiisey Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa Maleyshiyada Kooxda al-shabaab , kaasoo horay loogu soo eedeeyay inuu ku lug lahaa dilalka Wariyeyaal dhowr ah oo lagu diley gudaha dalka.

Fulintan xukunkan dilka ayaa waxa uu ka dhacay Fagaaraha School Polizio, halkaasoo ay goob joog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsa Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo Madax kala socotey warbaahinta ka jirta gudaha dalka wariyaal ka howlgala muqdisho qaar kamid ah ehelo ka socdey wariyaashii uu diley xasan xanafi xaaji

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa 3-dii bishii Maarso dil toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi.

Hase ahaatee waxaa uu ka qaatay Racfaan, iyadoo 26-kii bishii hore Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ay mar kale ku xukuntay dil toogasho ah.

Markii lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ayaa waxaa warbaahinta la Hadley Gaashaale dhexe C/laahi Xusein Maxamed Mayooge ayaa sheegey in xasan xanafi xaaji C/salaan oo 4 bishii 5 sanadkii 2010 oo dil u gesstey tafaftirihii hore wakaalada wararka soomaaliyeed ee Sona Marxuum SH Nuur maxamed abkeey iyo wariyaal kale

Goobta lagu tooganayay dhagar qabe Xasan xanafi xaaji ayaa waxa ku sugnaa madaxda ka socotey warbaahinta Agaasimaha idaacada kulmiye Abwaan C/laahi ismaan guure ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida ku amaaney sida ay cadaalada u marsiyeen dilaaga wariyaha

Xasan Xanafi Xaaji, waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Sanadkii 1983-kii, sanadihii sagaashamaadkii ayay reerkiisu u soo guureen magaalada Muqdisho, waxa ayna degnaayeen meel dhowr mitir u jirta Suuqa Cirtoogte ee magaalada Muqdisho.

Xanafi ma lahan taariikh Waxbarasho haba yaraatee, waxuuna qoraalka Afka Soomaaliga ku bartay oo kaliya Iskuul Bareef ahaa oo ku yaalay suuqa Bakaaraha.

Sanadkii 2003 ayuu si tijaabo ah ugu biiray Idaacadda Quraanka ee Muqdisho, sidoo kale 2006-dii ayuu muddo dhowr bilood ah la shaqeeyay Website-ka Goobjoog.com , ka dibna waxa uu ku xirtay rag ka tirsan ururka Shabaab , waxa uuna idaacadaha Muqdisho soo gaarsiin jiray farriimaha Shabaabka iyo dagaalyahannada shisheeye.

Xasan Xanafi Xaaji, waxa uu ka dambeeyay dilkii Wariyayaal badan oo Muqdisho lagu dilay wixii ka dambeeyay sanadkii 2006-dii.

Waxa uu si toos ah u soo maleegay dilkii Mahad Axmed Cilmi agaasimihii idaacadda Capital Voice iyo Cali Iimaan Sharma’arke, waxaana la cadeeyay inuu Xasan Xanafi isagu goobjoog uu ka ahaa halkii lagu dilay Wariye Mahad Axmed Cilmi.

Labo maalmood ka hor ayay aheyd markii maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay dil toogasho ah ku fulisay labo ruux oo ku eedeysnaa dilkii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka shaqeyneysay Warbaahinta dowladda.

 



xanafi

x11

x4

 

xanafi

x11

x10

x9

x8

x7

x6

x5

x4

x3

x2

x1

12957316_601153776708230_1574238481_n

12966369_601153766708231_472140261_n

12969209_601153753374899_257999271_n

12969361_601153770041564_1360605335_n

12987942_601153750041566_836485853_n

12988128_601153756708232_626656698_n

12988154_601153746708233_1267347731_n




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip