Kumaandooska Xooga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

0
Sunday April 10, 2016 - 17:32:59 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumaandooska Xooga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

    Howlgalkan ay qaadeen ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Jubbooyinka, iyadoo howlgalkii u dambeeyay uu dhacay xalay saqdii dhexe markii ay ciidamada duulaan ku qaadeen tuulada Janaa Cabdalle oo dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkan ay qaadeen ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Jubbooyinka, iyadoo howlgalkii u dambeeyay uu dhacay xalay saqdii dhexe markii ay ciidamada duulaan ku qaadeen tuulada Janaa Cabdalle oo dhinaca galbeeed qiyaastii 60km kaga began Kismaayo, markii ay halkaasi ciidanka gaareen waxaa isaga firxaday kooxihii horey u jooay ee UGUS.

Sidoo kale ciidanka Soomaaliyeed ayaa gudaha u galay habeeno ka hor tuulada Kamsuuma, halkaasna waxa lagu soo waramayaa in ay isaga baxeen kooxda Shabaab iyadoo sidoo kale ciidanka galeen dagmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe halkaas waxaa ka dhacay iska hor imaad, waxaana kooxda Shabaab halkaasi looga gubay laba gaari oo nooca dagaalka ah halka sideed kalena looga dilay halkaasi

Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland Sayid Axmed Maxamed Maxamuud "Axmed Carab” ayaa sheegay in howlgalkan ay qaadeen ciidanka kumaandooska dalka ee ka dhacay Jubbooyinka uu ahaa mid looga go’leeyahay sidii guud ahaan Jubbooyinka looga sifeyn lahaa.

Howlgaladan ayaa kusoo beegmaya waqti ay socdaan dhaqaaqyo ciidan oo ka jira magalada Kismaayo si loo xoreeyo deegaannada fara ku tiriska ee ay gacanta ku hayaan kooxdaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip