Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Maqaayad ku taal agagaarka Isgoyska Beexaani

0
Saturday April 09, 2016 - 13:40:08 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Maqaayad ku taal agagaarka Isgoyska Beexaani

    Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay Maqaayad laga cunteeyo oo ku taal agagaarka Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis, iyadoo qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay Maqaayad laga cunteeyo oo ku taal agagaarka Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis, iyadoo qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray oo lala beegsaday Maqaayada Rajo Restaurant oo ku dhow Hotelka Global.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dadka qaraxa ku dhintay ay ku jiraan caruur caseeyeyaal iyo kuwa baabuurta dhaqa oo banaanka maqaayada ku sugnaa.

Maqaayada ayaa ah maqaayad laga cuno raashinka loo yaqaano wadaniga sida Muufada, Soorta iyo raashinka kale ee caadiga ah, waxayna ka mid tahay maqaayada raqiiska ah.

Baabuurta loo yaqaano gurmadka deg dega ayaa goobta soo gaaray, kuwaasoo qaadayay dhaawacyada maqaayada.

Xilliga Qaraxa dhacayay ayaa aheyd xilliga qadada oo dad badan ay gudaha Maqaayada ku jireen, lama haayo wali tiro rasmi ah oo ku aadan dhimashada iyo dhaawaca qaraxa ka dhashay.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip