Raggii ka dambeeyay dilkii Wariye Hindiya Xaaji oo saaka la toogtay

0
Saturday April 09, 2016 - 10:18:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raggii ka dambeeyay dilkii Wariye Hindiya Xaaji oo saaka la toogtay

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ku fulisay raggii ka dambeeyay dilkii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo bishii December ee sanadkii hore lagu dilay qarax gaarigeeda loogu xiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ku fulisay raggii ka dambeeyay dilkii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo bishii December ee sanadkii hore lagu dilay qarax gaarigeeda loogu xiray.

Fagaaraha Iskool Polizio ayaa saaka lagu toogtay Xasan Nuur Cali Faarax iyo C/risaaq Maxamed Barrow oo horay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida iyo Maxkamadda Sare ee ciidanka ay ku xukumeen dil.

25-kii bishan ayaa Maxkamadda Ciidamada darajada koowaad waxay dil toogasho ah ku xukuntay C/risaaq Maxamed Barrow, kaasoo qirtay inuu walxaha qarxa ugu xiray gaariga ay laheyd Hindiya Xaaji, iyadoo Maxkamadda ay xabsi daa’in ku xukuntay Xasan Nuur Cali Faarax.

Hase ahaatee Maxkamadda sare ee Ciidanka qalabka sida ayaa baabi’isay xukunkii xabsi daa’inka ahaa ee Xasan Nuur Cali Faarax, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dhowaan dil toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji, kaasoo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana qirtay inuu ku lug lahaa dilka Wariyeyaal ka howl galayay magaalada Muqdisho.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip