Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jabuuti

0
Saturday April 09, 2016 - 10:18:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Madaxweynaha dib loo doortay ee Jabuuti

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee shalay dalkaasi ka dhacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee shalay dalkaasi ka dhacday.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Villa Somalia ayaa waxaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu hambalyeeyay guusha weyn oo uu ka soo hoyay doorashadii Madaxtinimo ee markii afaraad Madaxweyne loogu doortay.

"Walaalkey Madaxweyne Geelle waxan kugu hambalyeynayaa guusha weyn ee aad ka soo hoysey doorashadii madaxtinimada ee shalay oo Jimco ah dhacday, Waxay guushan tilmaameysaa kalsoonida shacabkaaga kugu qabo iyo waxqabadkaagii oo horseeday in Djibouti ay horumar ku tallaabsato, dunidana magac ku yeelato”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta Jabuuti ee dhinaca dimoqraadiyadda uu yahay kan keenay in doorashooyinka ay si nabad ah ku dhacaan, fursadna la siiyo in waddanku uu horay u sii socdo.

"Waxaan filayaa in adigoo kaashanaya shacabkaaga aad meesha ka sii wadi doonto waxqabadkii aad ummadda u haysey, anigoo rajeynayaa in aad waddanka gaarsiin doonto horumar ka ballaaran kii aad u horay u gaarsiisay 17-kii sanno ee aad talada haysay. Waxaana kuu xaqiijinayaa in Soomaaliya iyo shacabkeeduba ay ku garab taagan yihiin mar kasta’’.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Jabuuti ay baal dahab ah kaga jirto taariikhda Soomaaliya, marnabana aanay Soomaaliya iyo shacabkeeda ilaabi doonin taageerada ay Djibouti ka heleen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u rajeeyay Madaxweynaha Jabuuti inuu Ilaahay la garab galo xilka culus ee mar kale loo doortay, waddanka iyo shacabka reer Jabuuti ay horumar iyo baraare ku waaraan.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku guuleystay cododkii la tiriyay 86,68% codod, waxaana Mr Geelle oo horay loo filayay inuu mar kale guuleysan doono ay guushaas dhabaha u xaareysaa in shanta sano ee soo socota uu xilka sii haayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip