Maxaa lagu Xusuustaa Wax Qabadkii Gen Maxamed Cali Samatar
Waxaa iyana xusid mudan in 1Luulyo 1960 habeenkii calanka Soomaalida la saarayey uu General Maxamed Cali Samantar uu ahaa taliyihii watay ee dalbanayey cutubyadii calanka salaanta siinayey wuxuuna Samatar markaasi ahaa taliye xiggeenka ciidanka gobolka Banaadir Waxaa iyana aan la iloobi Karin kaalintii uu ka qaatey dagaalkii 1964tii ee Dowlada Ethiopian ku soo qaadeen dawladii da'da yareyd ee Soomaaliya.
General Maxamed Cali Samantar wuxuu ka daagaal galay aagga
Togwajaale halkaasi oo ciidankii uu watey ka muujiyeen geesinimo dalkana ka
difaceen ciidamadii Ethiopia wuxuuna ku muteystey bilad iyo dalacaad.
General Maxamed Cali Samantar oo ah Askari loo tababarey
difaaca dalka una dhaartey inuu xilkaasi si daacadnimo ah u guto ayaa waxaan
taariikhdiisa lagu xusuustaa dhismahii xoogga dalka Soomaaliyeed intii uu ahaa
wasiirka gaashaandhiga isagoo gaarsiiyey heer ay Soomaliya yeelato ciidanka ugu
tayo sareyeeya Qaarada Afrika.
Waxaa kaloo dunida oo dhami ku
baratey General Maxamed Cali Samantar hogaamintii ciidamadii Soomaaliya
ee cududa ku muquuniyey ciidamadii Ethiopia ee lagu tilmami jirey libaaxa Afrika sannadkii 1977 iyo
dagaalgelintii uu u dejiyey dagaalkaasi oo ka mid noqotay duruusta lagu barto dugsiya istaratijiyada dagaalka ee aduunka.
General Maxamed Cali Samantar oo ah nin qaran doorkiisu kuma
ekeyn difaaca dalka oo keliya ee wuxuu horseed ka noqday hawlihii deblomasiyad
soomalida ee waqtigii dagaalkii qaboobaa ka jirey dunida wuxuuna doorweyn ka
qaatey meelmarinta siyaasaddii Soomaalida isaga oo ah nin si weyn looga soo
dhoweeyo dalkii Midowga Sifooyi lagu magcaabi jiray iyo dalka Mareykan.
Waxaa taariikhdaa ku cad in General
Maxamed Cali Samantar uu ahaa nin Somali ah oo aad u naxariis badan muddo
dheerna ka mid ahaa madaxdii dawladii soomaliya marna aan lagu eedeyn ama lagu
xaman ficil xun ama dibindaabyo biniaadanimo wuxuuna ka mid yahay madaxdii
Soomaliyeed ee fara ku tiriska ahaa ee ku caan baxay akhlaaaqda wanaaga iyo
hogaaminta toosan taasi oo ay ka markhaati ka kacayaan inta badan ummmada
Soomaliyeed ama dadka sida dhabta ah u yaqaan Gen Maxamed Cali Samantar.
General Maxamed Cali Samantar waxa uu ahaa nin jecel in
Soomaali mid ay ahaato, meelna ay uga soo wadjeesato cadawga Soomaliyeed.
Taariikh Ummada soomaliyyed waa
mid lama iloobaan ah waxay leedahay
wadaniyiin iyo madaxda naftooda u horay, xoogooda iyo maskaxdooda.
Ogsoonoow taariikhdu waa mudan
waa tiro marqaati leh
W/D Tifaftiraha warbaahinta
Ciidamada Qalabka Sida
Ustaad:- Cumar Maxamed Kulmiye
Fadlan Ilaali Xuquuda Qoraaga
Maxaa lagu Xusuustaa Wax Qabadkii Gen Maxamed Cali Samatar
General Samanatar wuxuu bilaabey inuu xil u qabto ummada Soomaaliyeed isagoo 25 sano jira markaasi oo uu taliya ka noqday Saldhiga Degmada Marka isagoo xiddigle ah oo ka soo qalin jibiyey kuliyad militri oo ku taala dalka Talyaniga, wuxuuna ka mid no