Magaalada Jilib oo lagu duqeeyay guri ay ku shirsanayeen Kooxda al-shabaab

0
Thursday April 07, 2016 - 13:37:43 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Jilib oo lagu duqeeyay guri ay ku shirsanayeen Kooxda al-shabaab

    (XigashoSONNA)wararka naga soo gaaraya maagalada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe ayaa ku soo waramaya in xalay fiidkii ay deymo dhinaca Cirka ah ka dhaceen magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(XigashoSONNA)wararka naga soo gaaraya maagalada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe ayaa ku soo waramaya in xalay fiidkii ay deymo dhinaca Cirka ah ka dhaceen magaaladaasi.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada Jilib ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Xalay ay maqlayeen jug xooggan oo lala bartilmaameedsaday meelo kala duwan oo kamid ah daafaha iyo bartamaha magaalada.

Qof magaciisa qariyay Sababo Amaanka la xiriira aawgeed ayaa SONNA u Xaqiijiyay in la duqeeyay Saldhig lagu tababaro Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Guri uu daganaa Horjoogaha maleeshiyaadka al shabaab ee gobalka Jubada dhexe, sidoo kalana Gantaal lala beegsaday Gaari nuuciisu Yahay NOHA oo marayay duleedka magaalada.

"Deqeymaha dhoor goobood ayey ka kala dheceen, saakay magaalada waa bandoow, qasaaraha saxda ah wali lama kala oga balse xalay duqeyn aan kala go’ laheyn ayaa socotay muddo nusasaac ka badan”ayaa gobjoogahaasi yiri.

Magaalada Jilib ayaa 380Km u jirta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale ciidamada Maamulka Jubaland ayaa howlgallo ballaaran ka wada deegaanada Beer Xaani,Buulo gaduud, iyo Cabdalla Dhoorre oo ku yaalla dhinacyada waqooyi iyo Koofur ka kala xiga magaalada kismaayo.

howlgalladaasi waxaa lagu baacsanayaa maleeshiyaadka al-shabab ee ku sugan deegaanada gobalka Jubada Hoose.

Lasoco Wixii War Ah Ee Ku Soo Kordha.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip