Maamulka Gobolka Banaadir oo Amaro Adag soo rogey wadayaasha gaadiidka

0
Thursday April 07, 2016 - 09:49:25 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo Amaro Adag soo rogey wadayaasha gaadiidka

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo xalay shir saxaafadeed ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo xaaladda gobolka quseysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo xalay shir saxaafadeed ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo xaaladda gobolka quseysa.

Mudane Yuusuf, guddoomiyaha gobolka, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan la ogolaan karin in magaalada lagu dhex wato gaari aan laheyn taariko lambar ha wato shacab ama mas’uul dowladeed.

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay in shacabka degan magaalada Muqdisho looga baahan yahay in ay qaataan teesare minishiibiyo ama warqada aqoonta ee dowlada hoose ee Xamar si loo soo celiyo nidaamka dowliga ah.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray in barnaamijka "hal dollar ku dhiso dalkaaga” uu meel wanaagsan uu marayo isla markaana dhismaha waddooyin laami ah oo barnaamijkaas lagu hirgeliyay gebagebo ku dhow yihiin.

"Arinta canshuuraha guriyaha waa mid muhiim u ah horumarka dalka hadda waxaa noo taala liaa 400,000 oo dollar laguna dhisi doono waddooyin laami ah oo uu kamid yahay waddada wadnaha, canshuurta waxaa qaada dowlada hoose iyo wasaaradda maaliyadda,” ayuu yiri Jimcaale.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in amniga gobolka Banaadir wax badan laga qaban doono isla markaana shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan sugidda amniga magaalada Muqdisho.

FB_IMG_1459969702160FB_IMG_1459969706607FB_IMG_1459969712234FB_IMG_1459969715871




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip