Dadka shacabka degmada Aadan Yabaal oo soo dhaween u sameeyay ciidamada xooga dalka

0
Wednesday April 06, 2016 - 19:57:52 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka shacabka degmada Aadan Yabaal oo soo dhaween u sameeyay ciidamada xooga dalka

    Kooxda Al-Shabaab ayaa mudo dhan 8 sano ka talinayay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka shabellaha dhexe iyadoona dadka degmada dhibaatooyin badan ku qabeen kooxda maadama ay baad ka qaadi jireen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Al-Shabaab ayaa mudo dhan 8 sano ka talinayay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka shabellaha dhexe iyadoona dadka degmada dhibaatooyin badan ku qabeen kooxda maadama ay baad ka qaadi jireen.

14 Febraayo sanadkii 2014 ayaa maleyshiyo ka tirsan kooxda al-shabaab waxa ay degmada aadan yabaal ka afduubteen odyaal dhaqameed markaasi u tagey maleyshiyada odayaasha ayaa damacsanaa in ay la hadlaan ayna kala hadlaan baada ay ka qadayaan kooxda dadka degaanka.

Odaayasha ayaa 15 Febraayo xili habeenimo ah waxa loo ka xeeyay saldhiga Ceel Baraf waqti ayay halkaasi ku dhibaateysanayeen odayaasha dhaqanka waqti kadib ay soo daayeen odayaashii.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Ethiopia eek a tirsan AMISOM ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Adan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

La wareegida degmada Aadan Yabaal ayaan wax dhiig ah ku daadan iyadoo ciidamada isgabarsanaya ay dagaal la’aan kula wareegin.

Degmada Aadan Yabaal oo ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ay weli gacanta ku hayeen kooxda Alshabaab.

Afayeenka Wasaarada amniga qaranka C/kaamil Macalin Shugri oo la Hadley idaacada ciidamada qalabka sida ayaa waxaa uu ka Hadley la la wareegitaanka degmada aadan yabaal ee gobolka shabellaha dhaxe oo shaley ay ciidamada xooga dalka Soomaaliyed iyo kuwa midowga Africa ay la wareegeen degmada aadan yabaal

C/kaamil Macalin Shugri ayaa tilmaamey maleyshiyaadkii ku sugnaa degmada ay halkaasi ay iskaga carareen markii ay maqleen in ay kusoo food leeyihiin ciidamada qaranka.

Maleyshiyaadkii kooxda Alshabaab ayaa maalmihii la soo dhaafayba isaga baxayay degmadan iyagoo u jiheystey deegaano ku yaal xadka labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Ciidamo Ethiopian ah oo ka tirsan howlgalada AMISOM ayaa markii ugu horeysay waxa ay cagta soo dhigeen deegaano kamid ah gobolka Sh/dhexe, hase yeeshee waxa ay ciidamada Ethiopia hore u joogeen qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip