Ciidamada Nisa oo qabtey gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Maanka dooriya

0
Wednesday April 06, 2016 - 19:48:22 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Nisa oo qabtey gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Maanka dooriya

    Howlgalkaan ay ciidamada hay'ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka nisa ayaa waxa ay kusoo qabteen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha maanka dooriya iyo ragii wadtey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkaan ay ciidamada hay'ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka nisa ayaa waxa ay kusoo qabteen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha maanka dooriya iyo ragii wadtey.

Taliska hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa soo bandhigey maandooriyahaan iyagoona sheegey in ay kasoo qabteen koontaroolada laga soo galo magaalada magaalada muqdisho.

Afayeenka Wasaarada amniga qaranka C/kaamil Macalin Shugri oo warbaahinta la Hadley ayaa sheegey in maalmihii dambe ay ciidamada amaanka ay wadeen howgalo lagu xoojinayo amniga dalka ay ciidamada usuurta gashey in ay gacanta kusoo dhigaan laba qofood oo waday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha maanka dooriya.

Dhanka kale C/kaamil Macalin Shugri ayaa sheegey maal mihii dambe ay ciidamada amaanka ay xoojinayeen amniga caasimada magaalada muqdisho ayna ka hortageen qaraxyo iyo weeraro Isagoona shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho ugu baaqey in ay guryahooda ka kireeynin dadka ay garaneyni

Ciidamada hay’adaha amaanka ayaa mudooyinkii dambe wade howlgalo lagu sugayo amniga caasimada magaalada muqdisho.



DSC00724DSC00726


 
 
 
 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip