R/Wasaare Sharmaake oo ka tacsiyeeyay Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahim

0
Saturday March 26, 2016 - 20:00:01 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaare Sharmaake oo ka tacsiyeeyay Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Dr. Aadan Xaaji Ibraahim

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo xanuun hayey muddooyinkii ugu d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo xanuun hayey muddooyinkii ugu danbeeyay u geeriyooday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan Xukuumadda, dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahim, isagoo sheegay in marxuumku door weyn ka soo qaatay dib-u-soo kabashada dalka.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay marxuum Dr Aadan Xaaji Ibraahiminuu Jannatul Fardawsa ka waraabiyo, eheladiisa, asxaabtiisa, iyo shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa lillaahi wa innaa Ilaahi raajicuun.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip