Taariikhda Xasan Xanafi Xaaji

0
Saturday March 26, 2016 - 19:21:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 6645
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Xasan Xanafi Xaaji

    Xasan Xanafi Xaaji, waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Sanadkii 1983-kii, sanadihii sagaashamaadkii ayay reerkiisu u soo guureen magaalada Muqdisho, waxa ayna degnaayeen meel dhowr mitir u jirta Suuqa Cirtoogte ee magaalada Muqdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Xanafi Xaaji, waxa uu ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Sanadkii 1983-kii, sanadihii sagaashamaadkii ayay reerkiisu u soo guureen magaalada Muqdisho, waxa ayna degnaayeen meel dhowr mitir u jirta Suuqa Cirtoogte ee magaalada Muqdisho.
Qoyskiisa isaga oo kaliya ayaa ka jooga Somalia, labadiisa waalid waxa ay hadda ku nool yihiin Dalka dibadiisa, halka qaar ka mid ah Walaalihiisna ay ku sugan yihiin Qaar ka mid ah dalalka yurub Yurub.
Xanafi ma lahan taariikh Waxbarasho haba yaraatee, waxuuna qoraalka Afka Soomaaliga ku bartay oo kaliya Iskuul Bareef ahaa oo ku yaalay suuqa Bakaaraha.
Sanadkii 2003 ayuu si tijaabo ah ugu biiray Idaacadda Quraanka ee Muqdisho, sidoo kale 2006-dii ayuu muddo dhowr bilood ah la shaqeeyay Website-ka Goobjoog.com , ka dibna waxa uu ku xirtay rag ka tirsan ururka Shabaab , waxa uuna idaacadaha Muqdisho soo gaarsiin jiray farriimaha Shabaabka iyo dagaalyahannada shisheeye.
Xasan Xanafi Xaaji, waxa uu ka dambeeyay dilkii Wariyayaal badan oo Muqdisho lagu dilay wixii ka dambeeyay sanadkii 2006-dii.
Waxa uu si toos ah u soo maleegay dilkii Mahad Axmed Cilmi agaasimihii idaacadda Capital Voice iyo Cali Iimaan Sharma’arke, waxaana la cadeeyay inuu Xasan Xanafi isagu goobjoog uu ka ahaa halkii lagu dilay Wariye Mahad Axmed Cilmi.


Intaa kuma ekeysan ee waxaa raacay Janaazadii Mahad, isagoo rag Shabaab ka tirsanna kula ballamay in ay Miino ku aasaan jidka,
Si ay u khaarijiyaan Agaasimihii HornAfrik Cali Iimaan Sharma’arke, oo markii uu ka soo laabtay duugtii Mahad Axmed Cilmi lala qarxiyay gaarigii uu saarnaa, halkaasna ku geeryooday.
Dilka labadaas Wariye ka dib Xanafi waa la dallacsiiyay, waxaana laga dhigay madaxa warfaafinta ee Shabaabka, markaas ayayna u suurto gashay in uu khaarijiyo Wariyayaal badan.
Wariyayaasha Xanafi dilkooda soo maleegay waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee Agaasimihii Idaacadda HornAfrik Saciid Tahliil Axmed, oo lagu dilay gudaha Bakaaraha 1 February , isagoo ku sii socday shir been ahaa oo Shabaabku Saxaafadda isugu yeereen.
Marxuum Saciid Tahliil waxaa dabinkaas u dhigay Xasan Xanafi,oo Saciid u far muuqay raggii dili lahaa oo horay loogu soo diyaariyay, ka dibna uga dhex baxay.
7-dii July 2008 waxaa magaalada Kismayo lagu toogtay Allaha u naxariistee Nasteex Daahir Faarax wariyihii Idaacadda BBC-da iyo wakaallada Reuters ee magaalada Kismayo, dilka Nasteex waxaa ka soo shaqeeyay rag ka tirsan Shabaab oo uu Xasan Xanafi hormuud ka ahaa.
Sidoo Kale Xanafi iyo rag kale oo ka tirsan Shabaab ayaa fuliyay falkii lagu dilay allaha u naxariistee Agaasimihii idaacadda Shabelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe oo laguna dhaawacay wariye Axmed Cumar Xaashi (Axmed Taajir) oo isla shabelle ka tirsanaa taariikhdu markey ahayd 7-dii July 2009.
Sidoo kale, waxa uu ka dambeeyay dilal dhowr ah oo Muqdisho loogu geystay Wariyaal ka badan ilaa iyo 20-Suxufi.
Balse Laamaha ammaanka ee dalka Kenya, ayaa waxay gacanta ku dhigeen Xasan Xanafi Xaaji, oo ka tirsan dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab, waxaana gacanta lagu dhigay Aug 6th, 2014.
Xasan Xanafi Xaaji waxa uu marar badan uu magacyo aanu lahayn uu ku galay dalka Kenya, waxaana gacanta lagu dhigay xilli uu safar dhulka ah ku marayay Dalka Kenya, isla-markaana uu ku sii jeeday magaalada Nairobi.
Ciidamada Nabad sugidda Qaranka ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Xasan Xanafi Xaaji oo ahaa horjoogaha Al-Shabaab u qaabilsanaa dabagalka iyo dilalka Wariyeyaasha ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leysay magaalada Muqdisho iyo Qaar ka mid ah Gobolada dalka.
Qabashada Xasan Xanafi waxaa iska kaashaday Sirdoonka Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo macluumaadka lagu soo qabtay ay bixiyeen ciidamada sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya, taasi oo keentay in saddexdii bishaan laga soo qabto meel u dhaw Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Nairobi, halkaasi oo uu ku dhuumaaleysanayay.
Waaxda la dagaalanka argagaxisada ee Kenya, ayaa waxay ninkaan u qabteen in uu ka tirsan yahay mintidiinta Ururka Al Shabaab, waxaana su’aalo lagu weydiinayaa Xarunta la dagaalanka argagaxisada.
Xasan Xanafi waxaa loo heystaa dilalka in ka badan 20 Suxufi oo uu ka geystay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan Suxufiyiin fara badan oo uu soo basaasay.
Ka hor intii aanu ka mid noqon Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu ka soo hawlgalay mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho, halkaana ay dadka reer Muqdisho ka maqleen magaciisii.
Xasan Xanafi oo 3 sano ka hor ku kacay fal dhac ah, ayay Maxkamadii Shabaabka ee Deegaanka Ceelasha Biyaha ku xuntay xukun lug iyo gacan goyn ah, walow aynaan taasi Shabaabku dhaqangelin.
Idaacadda ku hadasha afka dowladda ayaa horay u sheegay in Xasan Xanafi uu ku lug lahaa dilalka wariyeyaal badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo oo ay Al-shabaab ku eedeysay inay kasoo horjeesteen maslaxaddooda.
Laakiin dowladda Soomaaliya ay dalbatay in qofkan lagu sheegay Xasan Xanafi Xaaji loo soo gudbiyo magaalada Muqdisho si loo xaqiijiyo ka dibna maxkamad la soo taago.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin arrinta Xasan Xanafi Xaashi , inkasta oo Xasan Xanafi ay dhaawacyo culus ay ka soo gaareen dagaalo uu lagalay Kooxda shabaab kuwaa oo ka dhacay gobolka Shabeelada Hoose.
Xasan Xanafi ayaa ahaa Sarkaal ka tirsanaa al-Shabaab isla markaana u qaabilsanaa Warbaahinta waxaana uu muddo ka shaqeynaayey warbaahinta kuhadasha afka al-Shabaab sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu al-Shabaab u qaabilsanaa Dilalika Qorsheysan ee Suxufiyiinta.
Xasan Xanafi oo tan iyo sanadkii 2014 ku jirey gacanta Dowladda, ayaa qirtey in uu ka qayb-qaatey soona abaabuley dilal qorsheysan oo lagula kacay Weriyaasha Soomaaliyeed, laga soo bilaabo sanadkii 2007 markii ugu horeysay Waxaana saxaafada loo soo bandhigay
Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray dalka Kenya Amb. Maxamed Nuur Cali oo ku magac dheeraa Cali AMEERIKO ayaa horaantii Bishii ogoosta ee sanadii 2014-tii BBC-da u sheegay Xasan Xanifi in ay gacanta ku dhigeen Sirdoonka Dalka Soomaaliya — iyagoo kaashanayey sirdoonka Dalka Kenya.
Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa 9 Bishii Disembar sanadii 2014 Muqdisho ku soo bandhigtay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka suxufiyiinta oo lagu magacaabo Xasan Xanafi Xaaji Maxamuud Wixii intaas ka danbeeyey waxa uu ku jiray gacanta Laamaha amaanka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,
markii ugu horeysay Bishii Feebaraayo ee sanadkaan 2016. ayaa Telefishinka qaranka Soomaaliyeed laga baahiyey filim saacad iyo afartan daqiiqo soconayey oo looga hadlayay barnaamij ku saab san dilalka qorsheysan ee war-fidiyeenada..
3-3-2016ka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa u fariisatay dhageysiga dacwadii loo heystay Xasan Xanafi Xaaji oo lagu soo eedeeyay inuu ka dambeeyay dilal loo geystay tiro Saxafiyiin ah oo ka howl galayay warbaahinada kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidamada qalabsida ayaa ku soo oogay dambi ah inuu ku lug lahaa xasan xanafi xaaji dilalka illa afar wariye oo Muqdisho lagu dilay sagaalkii sano ee ugu dambeeyay
Xeer-ilaayaha maxkamada ciidamada qalabka sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa sheegay in Sharciga iyo Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida iney ma suul ka yihiin iney xasan xanafi ay ka jaasiyaan Xasan Xanafi
Dhanka kale xeer-ilaaliye C/llaahi Xuseen Cbdi Mayoonge ayaa maxkamada ka codsaday in xasan xanafi uu yahay Dilaaga wariyayaasha iyo Ummadda soomaaliyeed ayna ku xukunto di toogasho ah.
Dood dheer ka dib Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidmada Qalabka sida ayaa dadka hortooda ka hor aqriyay Go”aanka ay maxkamada waxa ayna Xasan Xanafi Xaaji ku xukuntay dil toogasho ah..
Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa mar kale dil ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji, kaasoo racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.
Qareenada u doodayay xasan xanafi ayaa racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee ay ku ridday Maxkamadda Darajada koowaad 3-dii bishan Maarso ee sanadkan 2016ka.
Dhageysiga dacwada oo dhacday 24kii-03-2016ka maalintii Khamiistii ayaa waxaa mar kale Maxkamadda la horkeenay cadeymo iyo marqaatiyeyaal Hase ahaatee Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa dib u dhigtay xukunka,
26ka-03-2016ka waxa ay maxkamada ciidamada qalabka sida sii adkeysay xukunkii ay horay u riday Maxkamadda darajada koowaad.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Liibaan Cali Yarow oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in Xasan Xanafi Xaaji oo 28 jir ah lagu xukumay dil toogasho ah taa oo ah Qisaastii Alaha U naxariistee Sheekh Nuur Abkey oo ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Inta badan Maxkamadda darajada koowaad ayaa xukunada ay riddo waxaa racfaan looga qaataa Maxkamadda sare, taasoo ugu dambeyn xukunka hore baabi’isa ama sii adkeysa.
Xasan Xanafi Xaaji ayaa horay lagu soo eedeeyay inuu ka dambeeyay dilalka suxufiyiin dhowr ah oo ka howl galayay Magaalada Muqdisho, waxaana uu horay u qirtay inuu ku lug lahaa dilalka illaa afar saxafi.
W/D Cumar Maxamed Kulmiye
Editor of Radio S.N.A
Ilaali Xuquuqda Qoraaga 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip