Banaan bax looga soo horjeedo monitoring group oo muqdisho ka dhacdey

0
Saturday March 26, 2016 - 18:01:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaan bax looga soo horjeedo monitoring group oo muqdisho ka dhacdey

    Dadka isu soo baxa ka qeyb galay oo u badnaa haween iyo waxgarad ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan warbixinnada been abuurka ah ee ay soo saaraan Monitoring group, waxaana halku dhigyadaas ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka isu soo baxa ka qeyb galay oo u badnaa haween iyo waxgarad ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan warbixinnada been abuurka ah ee ay soo saaraan Monitoring group, waxaana halku dhigyadaas ka mid ahaa "jooji dib u celinta Ummadda Soomaaliyeed" iyo suugaan ka turjumeyso in shacabka ay garabtaaganyihiin dowladooda.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galayay dibad baxa oo dareenkooda cabiraya ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan warbixinada ay soo diyaariyaan guddiga dabagalka cunuqabateynta hubka ee saran Soomaaliya iyo Eritrea.

Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay isu soo baxa oo halkaasi ka hadlay ayaa isku raacay in warbixinada ka soo baxa guddigaas ay u arkaan kuwo loogu gafo sida ay sheegeen madaxda dalka iyo dadka magaca ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay markii hogaanka dhaqanka oo Muqdisho shirk u yeeshay ay isku raaceen in la sameeyo Guddi ka hortaga wararka been abuurka ah ee ay inta badan guddiga dabagalka cunuqabateynta hubka saaran Soomaaliya iyo Eritrea soo saaraan, waxaana dibad baxa maanta ururrada bulshada rayidka ay isugu yimaadeen uu ka turjumaya sida shacabku ugu qanacsanyahay horumarka ay dowladda ku tallaabsatay.

kooxda Monitoring group ayaa ah koox mar walba faafiso dacayadaha madaxda sare ee dowlada waxa ayna qarisaa dhagaraha ay maleegaan maleyshiyada kooxda shabaab 



jjj (6)jjj (5)jjj (4)jjj (3)jjj (2)







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip