Magaalada Gaalkacyo oo lagu qabtey in kabada 156 ruux oo looga shakisan yahay Al-shabaab

0
Thursday March 24, 2016 - 14:47:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Gaalkacyo oo lagu qabtey in kabada 156 ruux oo looga shakisan yahay Al-shabaab

    Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa howl gallo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka sameynayeen magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku dhow dhow ku qab qabtay illaa 156 ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa howl gallo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka sameynayeen magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku dhow dhow ku qab qabtay illaa 156 ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Howl galadan oo ah kii ugu ballaarnaa ee lagu qabto dad intaas la eg ayaa ka dambeeyay, markii weerar uu ka dhacay todobaadkii hore Koontarool ku yaalla Boosaaso iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo degay xeebaha Puntland, iyagoo la socday doonyo.

Taliyaha Booliska Gobolka Bari Col. C/xakiin Yuusuf Xuseen ayaa u sheegay Idaacada VOA in dadka la xiray lagu soo qab qabtay howl gallo laga sameeyay Koontaroolka Boosaaso, Hoteellada ku yaala xaafadaha iyo deegaanada miyiga ah ee u dhaxeeya Boosaaso iyo Qow

Col. C/xakiin ayaa sheegay in dadkan uu ku socdo baaritaan, isla markaana la kala saari doono, waxaana uu ugu baaqay shacabka Gobolka Bari inay ciidamada kala shaqeeyaan sugida amniga, ayna soo sheegaan dadka falalka amni dari geysanaya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip