Dowlada Kenya oo lagu deeqey diyaarado ay kula dagaasho kooxda al-shabaab

0
Thursday March 24, 2016 - 14:47:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Kenya oo lagu deeqey diyaarado ay kula dagaasho kooxda al-shabaab

    Dowladda Maraykanka ayaa lagu wadaa in Ciidamada Cirka ee dalka Kenya ay ku wareejiyaan illaa 5 diyaarad oo kuwa dagaalka ah gaar ahaan kuwa qumaatiga u duul ee Helicopters-ka si ay ugu dagaalamaan kooxda al- Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Maraykanka ayaa lagu wadaa in Ciidamada Cirka ee dalka Kenya ay ku wareejiyaan illaa 5 diyaarad oo kuwa dagaalka ah gaar ahaan kuwa qumaatiga u duul ee Helicopters-ka si ay ugu dagaalamaan kooxda al- Shabaab.

Diyaaradahaasi Helecopterrada ah oo ka mid ah nuucyada ay adeegsadaan Ciidamada dalka Maraykanka ayaa la sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan howlgallada dowladda Kenya ay ka wado si ay kula dagaalanto kooxda hada laga awood badnaadey Al Shabaab Milatariga Kenya ayaa sidoo kale lagu wareejinayaa qalab kale oo qeyb ka ah diyaaradahaasi Dagaalka, kuwaasoo la sheegay in ay Muhiim u yihiin Ciidamada cirka ee dalka Kenya.

Ciidamada Milariga Kenya ayaa la sheegay in ay horay dhibaatooyin ay uga heysteen Isticmaalka diyaaradaha qumaatiga u kaca iyadoo la sheegay in nuuca hellicopterrada ay heystaan ay yihiin kuwa aan tayo wanaagsan lahayn.

Afhayeenka Ciidamada Milatariga ee dalka Kenya David Abonya ayaa sheegay in diyaaradahaasi Hellicopterrada ah oo ka mid ah nuucyo ku wanaagsan dagaalada ayna u adeegsan doonaan weerarada ay ku qaadayaan Saldhigyada Al Shabaab eek u yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip