Shirka Golaha wasiirada oo maanta looga Hadley Arimaha Amniga +Sawiro

0
Thursday March 24, 2016 - 14:19:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Golaha wasiirada oo maanta looga Hadley Arimaha Amniga +Sawiro

    Ugu horayntii Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey arrimaha amniga isagoona tilmaamay in dowladu ay xoojinayso howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab, wuxuna sidoo kale ka hadlay dagaalkii dhex-marey Ciidamadda Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horayntii Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey arrimaha amniga isagoona tilmaamay in dowladu ay xoojinayso howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab, wuxuna sidoo kale ka hadlay dagaalkii dhex-marey Ciidamadda Puntland iyo Kooxda Al-shabaab. Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu boggaadiyey Ciidamadda Puntland sida geesinimada leh ee ay dagaalka ula galeen Argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku tagey dalka Talyaaniga, isagoo xusay in Talyaaniga ay kala hadleen sidii maalgashi loogu sameyn lahaa Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay booqasho labo maalin oo uu ku tagey magaalada Beled-weyne in odayaasha deegaanka uu kala hadlay ka qeyb galka shirka Jowhar ee lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay abaaraha ka jira qaar kamid ah Gobollada dalka, iyadoo baaq loo direy cid walba oo gacan ka geysan karta caawinta bulshada ay abaaruhu ku dhufteen.

12





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip