Taliyaha booliska soomaaliya oo dib u howlgaliyay saldhiga booliska Jalalaqsi+Sawiro

0
Wednesday March 23, 2016 - 20:08:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha booliska soomaaliya oo dib u howlgaliyay saldhiga booliska Jalalaqsi+Sawiro

    Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen, Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo ay weliyaan saraakiil isugu jira boolis, Soomaali iyo AMISOM, iyo taliyaha qeebta Booliska Gobolka Hiiraan Col'isaaq cali cubdule ayaa manta garay dagmada Jalalaqsi ee Go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen, Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo ay weliyaan saraakiil isugu jira boolis, Soomaali iyo AMISOM, iyo taliyaha qeebta Booliska Gobolka Hiiraan Col'isaaq cali cubdule ayaa manta garay dagmada Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan.

Ujeedka safarka Gen,Maxamed shiikh xasan xaamud Taliyaha Booliska soomaaliya uu ku gaaray Degmada Jalalaqsi ayaa ah bogaadinta ciidamo boolis ah oo muda 26’sana ah kadib ka howlgali doono degmada jalalaqsi waxana garoonka diyaaradaha jalalaqsi ku soo dhaweeyay Taliye ku xigenka ciidama ciiltire ee ka socda Dalka Jabuuti

.Intasi kadib Taliyaha ciidamada booliska iyo xubnihii la socday ayaa gaaray saldhiga booliska Degmda si ay usoo indha indheyaan qeybaha uu ka kooban yahay saldhiga maadama ay howlgali donaan ciidamada booliska ee maanta gaaray Jalalaqsi.

Munaasabada kooban oo lagu qabtay gudaha magaalada jalalaqsi ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay qaar kamid dadka ku dhaqan jalalaqsi waxa ayna siweyn usoo dhaweeyeen wafdiga maanta gaaray iyagoona balan qaaday iney la shaqeyn donaan ciidamada booliska.

Sidoo kale Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Col’isaaq cali Cabdulle oo madasha ka hadlay ayaa shacabka ku nool jalalaqsi ka codsaday iney la shaqeyaan ciidamada booliska ee lasoo gaarsiyay degmada.

Ugu Dambeyn Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Maxamed Shiikh Xasan Xaamud waxa uu dadka ku nool Jalalaqsi uu ugu baaqay in ay ka qeyb qaatan horumarka ciidamada booliska degmada iyo dhamestirka Ciidama Booliska maadaama ay yihiin ciidamadii ugu horeyay ee boolis ah oo laga howlgaliyey Degmada.

Boolis Jalalaqsi (1)Boolis Jalalaqsi (2)Boolis Jalalaqsi (4)Boolis Jalalaqsi (5)Boolis Jalalaqsi (6)Boolis Jalalaqsi (7)Boolis Jalalaqsi (8)





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip