Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo booliska kula dar daarmey adkeynta amaanka.

0
Wednesday March 23, 2016 - 15:54:13 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo booliska kula dar daarmey adkeynta amaanka.

    Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlayay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska maamulkaasi ayaa ugu baaqay iney adkeeyaan amaanka deegaanada Mudug iyo Galgaduud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlayay saraakiil ka tirsan ciidamada booliska maamulkaasi ayaa ugu baaqay iney adkeeyaan amaanka deegaanada Mudug iyo Galgaduud.

Ciidamada booliska ayuu sheegay iney laf dhabar u yihiin amniga guud ahaan ee deegaanada maamulka Galmudug, islamarkaana waqti walba ay u taagan yihiin sugida amaanka, isaga oo sheegay in looga baahan yahay iney ka feejignaadaan amni daro dhacdo.

wuxuu bogaadiyey ciidamada booliska oo dhawaan gacanta ku dhigay ruux dil ka geystay Galgaduud, oo uu tilmaamay in ay suura gal aheyn in mar kale uu dhibaateeyo shacabka kale oo ku sugan deegaanada miyiga.

Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa labadii maalin ee ugu dambeysay ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo uu kulamo kula qaadanayey maamulka degmada iyo qeybaha kale ee bulshada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip