Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Puntland oo Garoowe lagu dhaawacay

0
Monday March 23, 2015 - 11:55:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Puntland oo Garoowe lagu dhaawacay

    Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Maamulka Puntland ayaa lagu dhaawacay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaa, xili Booliiska Magaaladaasi ay rasaas la dhaceen gaarigii uu watay Sarkaalkaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Maamulka Puntland ayaa lagu dhaawacay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaa, xili Booliiska Magaaladaasi ay rasaas la dhaceen gaarigii uu watay Sarkaalkaan. Sarkaalka la dhawacay oo lagu Magcaabo Maxamed Caydiid ayaa ahaa Taliye cusub oo dhawaan loo magcaabay Ciidanka Sirdoonka Hay'adda PIA ee Gobolka Sanaag, waxaana sarkaalkan soo gaadhay dhawac culus, oo uga yimi toogasho ay u geysteen ciidan kale oo ku sugnaa bar kaantarool, sidaana waxaa warbaahinta u xaqiijiyey dad goobjoogayaal ah.

Dhinaca kalena Dadweynaha ku nool magaalada Garoowe ayaa xalay si weyn ay dhegohoodu u maqlayeen rasaas kala duwan oo ay jihooyin kala duwan ka ridayeen ciidamad amniga, hase ahaatee weli saraakiisha amnigu arrintan faahfaahin badan kamay bixin.



Ciidamada Amniga ayaa iyagu habeennadii ugu dambeysay waday talabooyin lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda Puntland, isla markaana magaalada ka dhex sameeyey illaa 15 goobood oo dadka iyo gaadiidka magaalada lagu baadho.

Hawlgalladan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay halkaas ka jiraan khilaaf ka dhashay saraakiil ciidan oo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas uu xilka ka qaaday bishii February saraakiil ciidanka ka tirsan balse iyagu diiday inay xilka wareejiyaan, waxaana ciidamada ammaanku ay samaynayaan hawlgallo dhinaca amniga ah oo ay uga jawaabayaan saraakiishaas diiday inay xilka wareejiyaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip