Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Guddiga Difaaca Golaha Shacabka si ay u gutaan waajibaadkooda Baarlamaan ee kormeerka iyo isla-xisaabtanka

0
Sunday October 25, 2026 - 23:40:24 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Guddiga Difaaca Golaha Shacabka si ay u gutaan waajibaadkooda Baarlamaan ee kormeerka iyo isla-xisaabtanka

    Iyadoo la fulinayo waajibaadka dastuuriga ah ee kormeerka iyo isla-xisaabtanka, Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo la fulinayo waajibaadka dastuuriga ah ee kormeerka iyo isla-xisaabtanka, Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha iyo Taakuleynta, Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka oo uu guddoominayay ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Dhookir, ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Khawaarijta iyo xoraynta deegaannada ay ku sugan yihiin, tababarrada ciidamada, darajooyinka iyo dallacsiinta, daryeelka agoonta shuhadada ciidamada, qorshaha Wasaaradda ee dib-u-habeynta ciidanka, xaaladda AUSSOM iyo arrimo kale.

Wasiirka ayaa Guddiga u soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo uu kaga jawaabay dhammaan qodobadii ay soo qaadeen Xildhibaannadu. Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay guulaha iyo horumarka laga gaaray dib-u-dhiska iyo tayeynta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo hawlgallada ay ciidamadu ku ciribtirayaan kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku ah amniga dalka iyo guud ahaan gobolka.

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa ammaanay Wasiirka iyo hawlwadeennada Wasaaradda Gaashaandhigga, iyagoo ku bogaadiyay hufnaanta iyo daahfurnaanta ay ku soo bandhigeen caqabadaha jira iyo xalalka lagama maarmaanka ah.

Guddiga iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa isku raacay in la sii wado kulamada joogtada ah ee kormeerka iyo isla-xisaabtanka, si loo xoojiyo hufnaanta shaqo ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, loona dammaanadqaado ilaalinta xuquuqda askarta, isla markaana la sii xoojiyo awoodda difaaca qaranka.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip