
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Ankara kulan kula yeeshay dhiggiisa Ciidanka Dhulka Turkiga
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga milatari ee labada dal, horumarinta wada-shaqeynta labada ciidan, iyo kor u qaadista tayada iyo awoodda hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
S/Guuto Sahal Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga, gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee dalkaas, taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa si gaar ah ugu bogaadiyay dowladda Turkiga doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato tababarka, qalabeynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata sugidda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay tartanka koowaad ee caalamiga ahaa ee kooxaha milatari ee ugu wanaagsan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (1st International Best Military Drone Team Competition), kaas oo ay sidoo kale ka qaybgaleen xubno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulanka iyo ka qaybgalka munaasabadaha milatari ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, laguna horumarinayo xirfadaha, aqoonta iyo awoodda hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.






0 

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Ankara kulan kula yeeshay dhiggiisa Ciidanka Dhulka Turkiga
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi, ayaa magaalada Ankara kulan kula yeeshay dhiggiisa Ciidanka Dhulka Jamhuuriyadda Turkiga, Jeneraal Metin Tokel.