TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO BOOQDAY CIIDANKA KU DHAWACMAY HOWLGALLADA LAGULA DAGAALLAMAYO KHAWAARIJTA

0
Friday October 30, 2026 - 00:35:49 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO BOOQDAY CIIDANKA KU DHAWACMAY HOWLGALLADA LAGULA DAGAALLAMAYO KHAWAARIJTA

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ku booqday geesiyaasha Qaranka ee ku dhaawacmay howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka ku booqday geesiyaasha Qaranka ee ku dhaawacmay howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa askarta dhaawacantay mid mid u wareystay xaaladdooda caafimaad, isagoo u muujiyey garab istaag iyo dhiirrigelin. Sidoo kale, wuxuu warbixin ka dhegeystay saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey xaaladaha caafimaad ee askarta iyo dadaallada lagu bixinayo daryeelkooda.

Taliyaha ayaa bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo waddaniyadda ay muujiyeen halyeeyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo naftooda u huraya difaaca dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip