TALIYAHA CIIDANKA DHULKA OO BOOQDAY FURIMAHA HORE EE DAGAALKA EE JAMEECO IYO LEEGO

0
Friday October 30, 2026 - 00:21:14 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALIYAHA CIIDANKA DHULKA OO BOOQDAY FURIMAHA HORE EE DAGAALKA EE JAMEECO IYO LEEGO

    Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa booqday furimaha hore ee dagaalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaannada Jameeco iyo Leego, oo maalmihii la soo dhaafay uu ka socday Hawlgalka Banooda ee lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku sugan deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa kulamo la yeeshay taliyeyaasha ciidamada ee ku sugan furimaha hore, iyaga oo ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalladii ugu dambeeyay, guulihii laga gaaray hawlgallada iyo xaaladda guud ee amniga deegaannada ay ciidamada ka wadaan hawlgallada.

Mas’uuliyiinta ayaa bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka ay muujinayaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta amniga dalka.

Waxay sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyeen inay sii laba-jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip