KAALIYAHA CUSUB EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO XILKA LA WAREEGAY

0
Friday October 30, 2026 - 00:34:25 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KAALIYAHA CUSUB EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO XILKA LA WAREEGAY

    Kaaliyaha cusub ee Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa maanta xilka kala wareegay kaaliyihii hore ee Taliska Guud ee CXDS, Sareeye Gaas Madey Nuuray Sheekh Ufurow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaaliyaha cusub ee Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa maanta xilka kala wareegay kaaliyihii hore ee Taliska Guud ee CXDS, Sareeye Gaas Madey Nuuray Sheekh Ufurow.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Guddiga Xil-wareejinta, Sareeye Gaas Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood), iyo saraakiil ka tirsan hoggaannada iyo talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Intii ay munaasabaddu socotay, Guddoomiyaha Guddiga Xil-wareejinta ayaa bogaadiyey dadaalkii iyo shaqadii uu soo qabtay kaaliyihii hore muddadii uu xilka hayay, isagoo ku ammaanay gudashada waajibaadkiisa. Sidoo kale, wuxuu hambalyo u diray kaaliyaha cusub, isaga oo u rajeeyey guul iyo in uu si hufan u guto masuuliyadaha loo igmaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip