TALIYAHA TALISKA CIIDANKA GAARKA AH OO TABABAR HEERKIISU SAREEYO U SOO XIRAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA GAARKA AH XDS OO LAGU TABABARAY DALKA MASAR

0
Thursday September 24, 2026 - 20:31:35 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 9
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TALIYAHA TALISKA CIIDANKA GAARKA AH OO TABABAR HEERKIISU SAREEYO U SOO XIRAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA GAARKA AH XDS OO LAGU TABABARAY DALKA MASAR

    Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa tababar heerkiisu sareeyo ugu soo xiray dalka Masar cutubyo ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa tababar heerkiisu sareeyo ugu soo xiray dalka Masar cutubyo ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qeybgalay Kusimaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, Cabdixakiin Axmed Maxamed, U-qeybsanaha Milatariga Soomaaliya ee dalka Masar, Sarreeye Guuto Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Taliyaha Ciidamada Dallayadaha (Airborne) ee dalka Masar iyo saraakiil kale.

Ciidamada tababarka qaatay ayaa muddo tababarro heer sare ah ku qaatay dalka Masar, kuwaas oo diiradda lagu saarayay xirfadaha Ciidanka Kumaandooska, la-dagaallanka argagixisada, dagaalka magaalooyinka iyo hawlgallada dallayadaha (Parachute).

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa munaasabadda ka jeediyay dardaaran iyo dhiirrigelin uu u jeediyay ciidamada tababarka soo dhammaystay, isagoo kula dardaarmay in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ay si hufan uga faa’iideystaan gudashada waajibaadka qaran.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah iskaashiga amni iyo difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, kaas oo lagu xoojinayo tayada, awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Gaarka ah, si ay uga qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo sugidda amniga dalka.

May be an image of one or more people and text

May be an image of one or more people, dais and text

May be an image of dais

1000026177.jpg
1000026176.jpg
1000026175.jpg
1000026174.jpg

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip