Soomaaliya iyo Türkiye oo Kala Saxiixday Heshiis Cusub oo Lagu Dardargelinayo Iskaashiga Difaaca

0
Thursday July 24, 2025 - 17:34:51 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Türkiye oo Kala Saxiixday Heshiis Cusub oo Lagu Dardargelinayo Iskaashiga Difaaca

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Yaşar Güler, ayaa maanta magaalada Istanbul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Yaşar Güler, ayaa maanta magaalada Istanbul
ku kala saxiixday heshiiska wax-ka-beddelka habraaca fulinta ee kaalmada maaliyadeed ee 17-kii Luulyo 2019 dhexmaray labada dal.
Heshiiskan dib u habeynta ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhanka difaaca, horumarinta tayada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu bixiyo tababarada, qalabeynta iyo dhismaha awoodda ciidanka.
Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in dib u eegidda iyo saxiixa heshiiskan ay muujinayso sii adkeynta xiriirka labada dal iyo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay si hufan oo waafaqsan maslaxadda qaranka uga faa’iidaysato taageerada walaaltinimo ee ay ka helayso dowladda Türkiye.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip