Wararka

Ciidamo ka tirsan Gor Gor iyo Haramcad oo maanta la geeyey Matabaan

0 Visits: 335 | Friday March 11, 2022 - 12:08:39
Ciidamo ka kala tirsan Gorgor iyo Harmacad ayaa gaaray magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo qeyb ka qaadanaya sugidda amniga degmadaas.

Read More »

Cutubyo ka tirsan Danab oo tababar loogu soo xiray Balidoogle

0 Visits: 300 | Thursday March 10, 2022 - 20:59:46
Taliye ku xigeenka guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab G/le Aadan Jeelle Cali ayaa maanta tababar u soo xiray xubno ka tirsan ciidanka Danab, kuwaas oo mudo tababar ku qaadanayey xerada tababarada Danab ee Balidoogle.

Read More »

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay horjoogayaal ka tirsan Nabaddiidka Al-shabaab

0 Visits: 440 | Tuesday March 08, 2022 - 21:55:14
Ururka 35-aad guutada 7-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu soo qabtay xubno katirsan dhagar-qabayaasha Shabaab ka sameeyay deegaanada Buulalow, Doonka iyo Dameeraale oo hoostaga Degmada Afgoye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Read More »

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo ka qayb geliya madasha Diblomaasiyadda Antlaya

0 Visits: 273 | Tuesday March 08, 2022 - 14:38:35
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Cali Muuse ayaa la filayaa in uu dalka Turkiga uga qeyb galo Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, kaasi oo diiradda lagu saari doono caqabadaha ka jira Caalamka.

Read More »

Xukumadda Moscow oo ku dhawaaqay xabad joojin bini'aadantinimo

0 Visits: 281 | Monday March 07, 2022 - 14:51:39
Ruushka ayaa ku dhawaaqay xabad joojin ku meelgaar ah inuu ka samaynayo labo magaalo oo Ukraine ah si loo furo waddooyinka bini'aadantinimo,wasaaradda difaaca Ruushka ayaa ku sheegtay go'aankan mid badbaado oo lagu danaynayo dadka rayidka ee ku nool magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha si ay…

Read More »

Wasiirka Amniga XFS oo guddoomiyay Kulan looga hadlay Amniga doorashooyinka

0 Visits: 308 | Monday March 07, 2022 - 14:49:15
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Cabdullaahi Maxamad Nuur iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Kulan looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo ay ka qeyb galeen safiirada waddamada Midowga Yurub.

Read More »

DEG DEG: Ciidamada Amaanka oo Beledweyne ku toogtay Dhagarqabayaal ka tirsanaa Al-Shabaab

0 Visits: 273 | Friday March 04, 2022 - 22:00:58
Sida ay SNA u xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka magaalada Beledweyne, waxaa caawa la toogtay labo ka mid ah argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne caawa ku dilay Axmed Xasan Biriq oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska HirShabeelle.

Read More »

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gobolka Jubadda Hoose ku dilay Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab.

0 Visits: 332 | Tuesday March 01, 2022 - 16:29:05
Howlgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ka sameeyeen degaano hoosyimaado degmada Jamaame ee gobolka Jubadda hoose halkaasi oo khasaare xoogan ay ku gaarsiyeen argagixsada.

Read More »

Ciidanka GorGor oo horjoogayaal ka tirsanaa Nabadiidka Al-shabaab ku dilay shabeellaha hoose

0 Visits: 301 | Friday February 25, 2022 - 17:49:31
Kumaandooska xoogga dalka soomaaliyeed ee gorgor gaar ahaan ururka 7-aad, guutada 18-aad ayaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose jab xooggan ku gaarsiiyay Argagixisada nabad-diidka ah, kadib markii ay isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan fariisimaha ciidanka xoogga ee Bariire.

Read More »

Ra'iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Hay'adaha Amniga iyo Taliska AMISOM

0 Visits: 269 | Wednesday February 23, 2022 - 15:55:55
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xooninta amniga Dalka, la dagaalanka Argagaxisada , dardargelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada.

Read More »

Ciidanka DANAB oo dilay Horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa Jabhaadaha gobalka Hiiraan

0 Visits: 374 | Tuesday February 22, 2022 - 17:54:12
Ciidanka Xoogga Dalka ee guutada 16Aad Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Deegaanada Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burca dheer halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen koox ka tirsan Argagixisada Al-shabaab.

Read More »

Ciidanka Amaanka oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

0 Visits: 278 | Tuesday February 22, 2022 - 15:38:02
Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay kooxo Weerar Bambooyinka gacanta loo adeegsaday ku qaaday Saldhigyada Boliiska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Read More »

Ciidanka xoogga dalka oo argagixisada Al-Shabaab kala wareegay deegaano u dhow Janaale

0 Visits: 309 | Monday February 21, 2022 - 17:10:00
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose oo kala ah "Buulo Arundi. Malable. Siigaale bari. Busley daa'uud iyo beeraha baay" oo ay Argagixisada isku uruursanayeen ka sameeyay howlgalo balaaran oo ay ku burburiyeen fariisimo Argagixisada…

Read More »

Ciidanka DANAB oo horjoogayaal ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab ku dilay deegaano hoostaga Jubbaland

0 Visits: 295 | Saturday February 19, 2022 - 06:02:22
Ciidanka Kumandooska Danab XDS, Daraawiishta & Nabadasugida Jubbaland ayaa hawlgal lagu Baacasanayo Kooxaha Nabad Diidka Al_shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan Jubooyinka.

Read More »

Taliska Ciidanka Booliiska oo war kasoo saaray weeraradii gaadmada ahaa ee Nabadiidku ka geysteen duleedka Muqdisho

0 Visits: 294 | Wednesday February 16, 2022 - 11:23:29
Taliska Ciidanka Boliska Soomaaliyeed oo ka warbixiyay weerradii ay Xalay ku qadeen argagixisad qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maleeshiyaadka argagixisada ay weerar ku soo qaadeen Saldhigga Booliska degmada Kaxda iyo gooba kale.

Read More »

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo Dil-Toogasha ah ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo sanadkii 2019 Tarabuunka ku dilay Marxuum Maxamed Cawil Jaamac.

0 Visits: 278 | Tuesday February 15, 2022 - 11:54:33
Xasan Maxamuud Dhiblaawe ayaa loo haystaa Dilka Marxuum Maxamed Cawil Jaamac uu u dilay August 2019, Dilkaasi oo ka d hacay Hodan gaar ahaan Tarabuunka.

Read More »

Ciidanka kumaandooska DANAB oo gacanta ku dhigay 10 ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab

0 Visits: 308 | Monday February 14, 2022 - 18:57:38
Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey Agagaarka Deegaanka torotorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Nabadiidka Al-Shabaab.

Read More »

Cusmaan Abii Bakar Maadey oo tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab oo isku soo dh

0 Visits: 360 | Saturday February 12, 2022 - 15:26:55
Cusmaan Abii Bakar Maadey oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cabdullahi ) kana tirsanaa Nabad-diidka Al-shabab ayaa maanta isku soo dhiibey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Qeybta 60-aad.

Read More »

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo dhoolatus Milateri ku soo bandhigay Turkiga

0 Visits: 337 | Wednesday February 02, 2022 - 22:18:35
Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska ee Gorgor ayaa dhoolatus ku saabsan hannaanka loola dagaalo argagaxisada ku soo bandhigay magaalada Isparta ee dalka Turkiga.

Read More »

Ciidanka Xoogga Dalka oo Gobolka Shabeelaha hoose Ku dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Al-shabaab.

0 Visits: 328 | Wednesday February 02, 2022 - 20:46:18
Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kasameeyeen degaano hoostaga degmooyinka Awdheegle, iyo Qoryeeleey ee gobolka sheebalaha hoose.

Read More »